29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo: Haweeneydii ka dambeysay dilka Nasro Cabduqaadir oo lasoo qabtay

0

Beledxaawo ( Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay Calaso Muxumed oo loo haysto dil la sheegay inay u geysatay haweeney kale oo ay daris ku ahaayeen degaanka Oodan ee gobolka Gedo.

Idiris Aadan Nuur oo madaxa baarista ee gobolka ayaa shaaca ka qaaday inay tageen goobta uu falku ka dhacay, isla-markaana ay soo xireen haweeneyda ee eedeysan oo loo haysto inay mindi ama toorey ay ku dishay Marxuumad Nasro Cabduqaadir Maxamed.

Dambi baaraha ayaa sheegay in labada gabdhood ay wada dagaalameen, kadibna eedeysanaha ay soo qaadatay toorey, kadibna ay halbowlaha ka gelisay marxuumadda oo isla goobta ku geeriyootay, kadina la aasay.

“Eedeysanihii dhibka geystay waan soo qabanay, falkana wuxuu ka dhacay Beledxaawo gaar ahaan tuulada Oodan, dilkaas wuxuu ahaa dil toorey ah” ayuu yiri Idiris Aadan Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, isla-markaana sharciga ay la tiigsan doonaan haweeneyda lasoo xiray.

“Marxuumadda waxay mindida uga dhacday halbowlaha halkii ayayna ku dhimatay, waana lasoo aasay, gabadhii wax dishay way noo xiran tahay baaristana way socotaa, wixii kasoo baxana sharcigaan horgeyn doonaa, sidaa ayay wax u jiraay” ayuu mar kale yiri Idiris.

Waxaa kale oo uu raaciyay  “Waayahan kiisaska ragga wax dila uunbaan arki jirnay, laakiin beryahaan waa kiiskii noogu horreeyay ugu yaraan dhowr iyo toban sano kahor dumar, dumar dilay”.

Dhanka kale qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay soo qabashada haweeneydan eedeysan, waxayna sidoo kale dalbadeen in si deg-deg ah cadaalada la horgeeyo, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka oo aad uga naxay, waxaa sidoo kale dhacdadaan aad looga hadlay Beledxaawo iyo nawaaxigeeda.

Daawo: Beesha uu kasoo jeedo Koofi oo war culus soo saartay, baaq u dirtay beel kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha uu kasoo jeedo Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegtay in dano siyaasadeed laga leeyahay dacwadda musuq-maasuq ee lagu soo oogay agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka.

Koofi ayaa ka mid ah illaa 18 mas’uul oo xeer-ilaaliyaha qaranka Suleymaan Maxamed uu dacwad ka dhan ah u gudbiyey Maxkamadda gobolk Banaadir, ayada oo loo haysto eedo ay ka mid yihiin musuq-maasuq iyo xatooyo dadweyne.

Beesha uu kasoo jeedo Koofi, oo kulan ku qabatay magaalada Guriceel, ayaa sheegtay in qorshahan uu yahay mid ay ka dambeeyaan dad ay isku hayaan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, oo ay sheegeen in Koofi uu doonayo inuu isku sharxo. 

Beesha Maxamuud Aybakar ee Ceyr ayaa sheegtay in dadka ay is-hayaan Koofi ay kasoo wada jeedaan beesha Ceyr, balse ma aysan magacaabin shaqsiyaadka ay is-hayaan.

“Waxaa nasiib darro ah in dadka Koofi ku dulminaya shaarka dowladeed ay yihiin dad aan nahay dhaqan wadaag, dhiig wadaag iyo dhalyo wadaag, oo cid qabataa aysan jirin ilaa hadda ama u caqli calisaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan leenahay, maanta waxay maraysaa meeshii aad ka tiri ‘Farxaanow dhiiqaa laguha laguu geliyoohaayaa’, annaguna waxana leenahay, madaxweyne, dadku waxbay gartaan ee yaan dhiiqo lugaha laguu gelin.”

Odayaasha ka hadlay shirka ayaa ugu baaqay beesha Ayaanle Ceyr inay is ceshtaan oo ay is-qabtaan, islamarkaana ilaaliyaan walaalnimada.

Baaqa loo diray beesha Ayaanle Ceyr ayaa laga fahmin karaa in qofka aysan odayaasha magacaabin balse ay is-hayaan Koofi loola jeedo agaasimaha hay’adda NISA Mahad Salaad, oo kasoo jeeda beesha Ayaanle, islamarkaana la rumeysan yahay in loo wado xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Warka kasoo baxay beesha Koofi ayaa imanaya ayada oo shalay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay si rasmi ah ugu yeertay 7 masuul oo Koofi uu ka mid yahay. Koofi ayaa dalka ka maqan.

Baafin rasmi ah oo kasoo baxday maxkamadda gobolka ayaa waxaa kasoo dhex muuqday agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey, agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo agaasimihii dhawaan is-casilay ee hay’adda socdaalka Cabdul, iyo xubno kale.

Muxuu R/W Xamza ka yiri arrimaha Gedo, Beledweyn, Puntland iyo Laascaanood?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qaybgalay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadaha qaar ee ka taagan dalka, gaar ahaan Gedo, Hiiraan, Puntland iyo Laascaanood.

“Meelaha khilaafaadka ka jiraan waxaan rabnaa in lasoo gabagabeeyo, khilaafaadkaas inay sii socdaan wax loo dul qaadan karo ma’aha xilligeedana ma joogno dadka Soomaaliyeedna ma mudna khilaaf dambe oo siyaasi dan leh kiciyay” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabnaa midnimo, waxaan rabaa kala dambeyn iyo walaalnimo”.

GEDO

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu farriin nabadeed u diray reer Gedo, isaga oo ugu baaqay in wixii tabasho ah ay ku dhameeyaan deganaan iyo sidoo kale wada-hadal.

“Gobolka Gedo ayaa kow ka ah waxaan ugu yeereynaa midnimo wada-hadal wax alla wixii khilaaf ah oo jiro lagu dhammeeyo” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

HIIRAAN

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xiisadda ka dhalatay xilka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo ehelnimada & walaalnimo, sidoo kalena la dajiyo xaaladda Beledweyne.

“Hiiraan iyadana waxaan rabnaa oo sidoo kale ugu yeereynaa ehelnimo, walaalnimo deganaasho, isfaham iyo wax alla wixii siyaasad ah in miiska dushiisa lagu dhammeeyo” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu isaga oo ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Hiiraan.

PUNTALND

Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay inuu xiriir la sameeyay Isimada Dhaqanka Puntland, isla-markaana uu ka hadlay xiisadda ka taagan Garoowe, wuxuuna markale ugu baaqay inay shir isugu yimaadaan, isla-markaana ay xal u keenaay khilaafka ka taagan Puntland.

“Puntland waxaan ugu baaqayaa oo Isimada ka rajeynayaa inay isku yimaadaan oo fariistaan, isla-markaana arrintaas ay soo gabagabeeyaan” ayuu farriintiisa ku yiri.

LAASCAANOOD

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo si adag uga hadlay xiisadda daba dheeraatay ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ka dalbaday Somaliland in ay ciidamdeeda kala baxdo aagga lagu dagaalamayo ee magaalada Laascaanood, kadibna loo wadahadlo si Soomaalinimo ah.

“In ciidamada meesha jooga ay Somaliland qaado oo ay fursad siiso in xabadjoojin la sameeyo oo wixii khilaaf ah oo jira markaas yadoo Soomaali la wada yahay wadahadal lagu dhameeyo” ayuu iyadana ka yiri arrinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

SOMALILAND oo DF ka bari yeeshay dagaalka Laascaano

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah waxay dowladda federaalka uga bari yeesha inay wax lug ah ku leedahay colaadda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. 

Somaliland ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu si gaar ah mas’uul uga yahay colaada Laascaanood, lakiin aanay dowlada Soomaaliya wax lug ah ku lahayn. 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ciidamo soo dhoobay deegaanka Tukaraq, islamarkaana uu hagayo dagaalka. “Xalay ayay soo dageenka Tukaraq, dagaalkaas isaga ayaa hagaaya,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin oo warbaahinta la hadlay. 

Waxa uu sheegay in Somaliland, shacabka Laascaanood iyo dowlada Soomaaliya midkoodna aanu mas’uul ka ahayn colaada, lakiin uu maamulka Puntland hurinayo. 

“Inaga iyo shacabka reer Laascaanood-ba arrintaa beri ayaynu ka nahay, cida arrinta wadaana waa maamulka Puntland, maaha maamulka Xamar, maaha maamulka Soomaaliya, waa maamulka uu Dani madaxda ka yahay ee Puntland,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa kale oo uu sheegay in kooxo argagixiso ahi ay colaada gacan wayn ka gaysanayaan, isaga oo sheegay in qaar kood lasoo qabtay, garaadada iyo siyaasiyiinta deegaanka Laascaanood, ayaa marar dhowra beeniyay sheegashada Somaliland ee argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marar badan ku baaqay in la joojiyo colaadda Laascaanood, islamarkaana wada-hadal lagu xaliyo arrimaha la isku hayo.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale marar badan, sida ay Caasimada Online xog ku heshay, iska caabiyey dadaal ay odayaasha deegaanka iyo Puntland ku doonayeen in dowladda hub ugu dirto maleeshiyada deegaanka, wuxuuna ogolaaday kaliya gargaar bani’aadannimo oo dhowr jeer halkaas la geeyey.

Al-Shabaab oo weerar qarax ku billowday ka fulisay Kenya

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Wararka helayo gobolka Waqooyi Bari ee kenya ayaa sheegaya in mar kale Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ka fuliyeen gobolkaasi.

Weerarkan oo ku billowday qarax xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo ragga weerarka oo ku dagaalamay duleedka magaalada Gaarisa, gaar ahaan inta u dhexeysa  deegaanada Calin Jugur iyo Weel maree oo hoostaga degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in weerar jidgal ah lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Kenya, kadib la’isku fara saaray halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Waqooyi Bari.

Dhanka kale qoraal kooban oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarka, waxayna kooxdu sheegtay inay gubtay laba gaari oo ay lahaayeen ciidanka Kenya, kuwaas oo kala ah Cabdi Bille iyo Booyad ay biyo ku wateen ciidanka la qarxiyay.

Saraakiisha ammaanka Kenya weli kama hadlin dagaalka ka dhacay gudaha dalkaasi, gaar ahaan agagaarka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari oo xuduud laleh Soomaaliya.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda.

Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal.

Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla-markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Putin ‘oo la kulmay’ madaxa Wagner – Maxaa dhacay?

Moscow (Caasimada Online) – Kremlin-ka ayaa maanta sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu Kremlin-ka kula kulmay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin, 29-kii June, maalmo kadib markii kooxda calooshood u shaqeysatada ah ay isku dayday inay afgambiso hoggaanka militari ee Ruushka.

“Madaxweynuhu wuxuu bixiyay qiimeyntiisa ku aadan dhacdooyinka 24-kii June,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, isaga oo tixraacaya kacdoonkii fashilmay, waxa uuna intaas ku daray in Putin uu sidoo kale “dhageystay aragtida ay bixiyeen taliyayaasha (Wagner).”

In ka badan laba toddobaad kadib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay, waxa weli jira hubanti la’aan weyn oo ku xeeran masiirka kooxda Wagner iyo heshiiskii soo afjaray kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxda sare ee militariga Ruushka.

Sida qorshuhu ahaa, madaxa calooshood u shaqeystada ah iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa ayaa la filayey in loo masaafuriyo Belarus.
Ciidamada Wanger ee weli doonaya inay usii dagaalamaan Ruushka, ayaa dhanka kale qandaraas la saxiixan lahaa ciidamada caadiga ah ee Ruushka.

Intii uu socday kulanka qaatay saddexda saac iyo barka ee uu Kremlin-ka kula yeeshay taliyayaasha Wagner, Putin “wuxuu u yaboohay xulashooyin kale oo shaqo, oo ay ku jiraan kaalimo dagaal.”

Dadka wax indha indheeya ayaa gadoodka u arka caqabaddii ugu weyneyd ee soo wajahda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay.

Taliyeyaasha Wagner “waxay adkeeyeen inay taageereyaal xooggan u yihiin… madaxa dawladda”, ayuu yiri Peskov.

“Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay usii dagaalamaan dhulka hooyo.”

Khamiistii, hoggaamiyaha Belarus, Alexander Lukashenko — oo dhexdhexaadiyey heshiiska lala galay Wagner — ayaa sheegay in Prigozhin iyo ciidankiisaba midna aanu joogin dalkiisa.

AFP, VOA

Sawirro: Ciidamada DF oo galay deegaano hor leh oo Al-Shabaab ay ka carareen

0

Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gor Gor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaano hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaano kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta la hadlay.

Taliye Cabdiwali ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga kooxda Al-Shabaab iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta Al-Shabaab-ka dhuumaaleysiga ah.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo joogto ah ka fuliya deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan Al-Shabaab, waxayna howlgalkaas kadib inta badan ciidanku dib ugu laabtaan fariisimahooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda qorsheyneysa inay laba jibaarto howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay furimaha loo diray ciidankii ugu badnaa.

Howlgalkaan laga fuliyey aagga Galcad wuxuu ku soo aadayaa xilli shalay howlgal kale oo ciidanku ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Mudug ay ku dileen laba xubnood oo Shabaab ah.

Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay sarkaal sare oo hoggaaminayey kooxda Shabaab-ka ah oo lagu beegsaday degaanka Baraag-Ciise ee koonfurta gobolka Mudug, xubnaha Shabaab-ka ah ayaa xoolo ka uruursanayey dadka reer miyiga ah ee deegaankaas ku nool.

TURKIGA oo SWEDEN u ogolaaday ku biirista NATO

Ankara (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa sheegay Isniintii in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ogoladay inuu “sida ugu dhakhsaha badan” ugu gudbiyo golaha baarlamaanka ee dalkiisa xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqayn doono, in golaha baarlamaanku meelmariyo codsigaas.

Xoghayaha NATO ayaa hadalkan sheegay, ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Sweden, ka hor kulanka isbahaysiga NATO uu ku yeelanayo Lithuania.

Dalka Turkiga ayaa tan iyo sannadkii hore hortaagnaa xubinimada Sweden ee NATO.

“Tani waa maalin taariikhi ah, sababtoo ah waxaa helnay ballan-qaadka Turkiga ee ah, inuu ka shaqeeyo ansixinta xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqaynayo sidii golaha baarlamaanku u ansixin lahaa arrintan” ayuu yidhi Stoltenberg.

Go’aankan lama filaanka ah ee uu ku dhawaaqay xoghayaha NATO ayaa jidka u xaadhaya in Sweden ay noqoto dalka 32aad ee ku biira isbahaysiga NATO.

VOA + AP

Adeegga baasaboorka oo la gaarsiiyey Soomaalida ku nool dalka Ireland + Sawirro

Dublin (Caasimada Online) – Soomaalida ku dhaqan waddanka Jamhuuriyadda Ireland ayaa soo dhaweysay adeegga dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiisay ee baasaboorada iyo waraaqaha aqoonsiga. 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ireland Xaaji Axmed Gadaf ayaa Dowladda Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Belgium uga mahad celiyay sida wanaagsan ee adeega baasaboorka ay usoo gaarsiiyeen Soomaalida ku dhaqan Ireland oo baahi aad u daran u qabay inay helaan baasaboor Soomaaliga, waraaqda dhalashada iyo dhammaan dokumentiyada Soomaaliya. 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in marar badan ay qeylo dhaan u direen dowladda Soomaaliya, maadaama dadka ku dhaqan Ireland ay aad ugu baahnaayeen helidda waraaqaha aqoonsiga, wuxuuna u mahad celiyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda Soomaaliya ee waddanka Belgium. 

“Waxaan aad ugu mahad celineynaa safiir Yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde) sida Soomaalinimada leh, walaaltinimada leh ee dadkii ku dhibaateysnaa Ireland uu usoo gaarsiiyay adeegga baasaboorka iyo waraaqaha aqoonsiga,” ayuu yiri Xaaji Axmed Gadaf oo sheegay In muddadii uu joogay Yoonis uu wax badan u qabtay dad baahi u qabay helidda aqoonsiga Soomaaliga

Sidoo kale, Sheekh Cabdirisaaq Daahir oo ah Imaamka Masaajidka weyn ee Dublin Mosque ayaa u mahad celiyay safiir Yoonis wuxuuna sheegay in adeegan ay dad badan ka faa’iideysan doonaan. 

Arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan waddanka Ireland ay soo gaareen safiirka Soomaaliya u fadhiyo Belgium Yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde) iyo qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda, islamarkaana ay balan qaadeen in haatan wixii ka dambeeya Soomaalida Ireland baasaboorka loogu sameyn doono magaalada Dublin.

Saddex cashir oo laga bartay tallaabadii uu qaaday BF iyo Xamza oo halis wajahaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku diiday in la bilaabo su’aalo weydiinta xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah.

Warqad kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu jadwaleeyay hanaanka shaqo ee golaha ee saddexda billood ee soo aadan, taas oo xukuumadda ay rabtay in wasiirradeeda asbuuc walba labo loogu yeero.

Wasiirka Amniga ee dowladda federaalka ayaa Sabtidii tegay Golaha Shacabka si su’aalo loo weydiiyo, laakiin waxaa loogu jawaabay anagu kuma yeeran.

Jadwalka la xisaabtanka xukuumadda waxaa soo sameeyay xafiiska ra’iisul wasaaraha, laakiin buuq iyo diidmo ayuu la kulmay. Jadwalkaas waxay Xildhibaannada ku sheegeen mid lagu gafay micnaha Golaha Shacabka, buuq kuma dhamaan diidmada ee cod ayaa looga adkaaday intii rabtay in wasiirka su’aalo la weydiiyo.

Dhowr farriimood oo aan la sahashan karin oo ku wajahan ra’iisul wasaare Xamza ayuu xambarsanaa go’aankii diidmada ahaa ee shalay ka yimid Golaha Shacabka. 

Farriinta koowaad: Waa in Golaha Shacabka uu ka fog yahay dhanka ra’iisul wasaaraha. Golaha Shacabka waa midka ansixiya ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena awoodda u leh inuu shaqada ka eryo.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu maanta fahmay in uusan koox difaaci karta ku haysan golaha dhexdiisa, waana farriin walaac ah oo uga baahan inuu deg deg uga howl-galo.

Adiga oo ra’iisul wasaare ah in aad Golaha Shacabka kala fog tihiin ma ahan arrin fudud.

Midda labaad waa in laga sugaayo isku shaandheyn: Dhowr jeer waxaa la sheegay inuu ra’iisul wasaaraha damacsan yahay inuu beddelo qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiiradda ee loo jeedo inay shaqada wadi la’yihiin.

Waxaa jirra Xildhibaano banaanka taagan oo sugaya isbeddelkaas, qaarkood ayaa shalay laga arkayay kaamirada, waxaana lagu fasiray buuqooda isbeddelkii aaway?.

Midda saddexaad waa inay Golaha Shacabka wax walba ka suurtoobaan: Markii laga cabir qaato dhaqankii shalay, wax walba oo xukuumadda cimrigeeda soo gaabin kara ayaa laga filan karaa Golaha Shacabka.

Guddoonka waxaa ka muuqatay in aanay waxba gacanta ugu jirin, oo aanay xitaa xukuumadda isku haleyn inay difaacan. Barqo cad in xukuumadda sharciyadeeda shaki la galin karo ayuu sii carabaabaya dhaqankii shalay ee Golaha Shacabka.

Haddaba, Maxaa la gudboon ra’iisul wasaare Xamza?

Ra’iisul Wasaaraha intaan ka badan kama dhuuman karo waaqica. Sidii lagu yaqaanay ra’iisul wasaarayaashii hore, Xamza waa in gacanta ku dhigaa faylka Baarlamaanka, Xildhibaanada toos ula macaamiil, xukuumaddiisa saaxiibo u sameeya oo uu dhinaca kale xal u raadiya caajiska ka muuqda xukuumadda, inta uusan Baarlamaanka toos usoo beegsan kursigiisa.

Daawo: Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan oo shaaciyey qorshihiisa dagaalka Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdullahi Sufurow ayaa ka hadlay qorshaha inta hartay ee gobolkaas looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay inuu jiro aag ay mar kasta ka soo gudubto kooxdaas.

Guddoomiye Sufurow oo saxaafadda kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay in mar kasta ay Al-Shabaab ka soo gudbaan inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloburde, isagoo wacad ku maray in taas uu wax ka qaban doono.

“Gaabis ayaa ka jira inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloburde, mar kasta waxay ka soo gudbaan wabiga markii la aadana dib ayey u laabtaan, caqabadaas siima jiri doonto,” ayuu yiri Sufurow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta ay mar kasta wabiga uga soo gudbaan ay tahay in dadka la dagaalamaya kooxda ay yihiin reer miyi xoolo dhaqato ama beeraley ah, kuwaas oo mar kasta aan ku jiri Karin difaac.

“Waxaan balan qaadayaa in mar dambe aysan ka soo gudbin wabiga, waan aqaan halka ay ku dhuuntaan, waan uga daba geleynaa, si kale looga nabad gelimaayo Khawaarijta,” ayuu yiri guddoomiyahaan lagu bedelay Cali Jeyte oo dagaalkaan hoggaami jiray.

Sidoo kale Cabdullahi Sufurow wuxuu sheegay in howlgalka bilaabanaya ee wajiga labaad uu noqon doono mid bariga iyo koonfurta Hiiraan ka wada bilowda hal mar, sida ay qorsheeyeen.

“Inta wabiga laga gudbiyo oo nagu soo kaabtaan mar dambe ma dhici doonto inay carruurta iyo haweenka miino nooga laayaan, “Khawaarijtu haku talagasho in qiyaanadii ay nagu hayeen ay soo dhamaatay,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaab miino ku dileen hooyo iyo seddax carruur ah oo ay dhashay iyo Aabe iyo seddax carruur ah oo uu dhalay.

Dadkaan ayaa la qarxiyey xilli ay la socdeen mooto nooca beeraha ka shaqeeya ah, kadib markii ay la kacday miino ay dhulka ku aastay kooxda Al-Shabaab, waxayna miinooyinkaan welwel badan ku abuureen shacabka.

Hoos ka daawo

Video: DF oo soo bandhigtay madixii Zakawaadka Shabaab ee Mudug oo dhaawac ah

0

Hobyo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu usoo gacan galay Xaashi Garaad Cali kadib howl-gal ka dhacay deegaan hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo howl-galkaan si wada-jir ah uga fuliyay deegaanka Baraag Ciise oo hoostaga Hobyo, ayaa waxaa lagu dilay laba ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Deegaanka Baraag Ciise ayay ciidamadu ku weerareen goob ay si dhuumaalaysi ah isugu dayayeen inay dadka lacago uga qaadaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xaashi Garaad Cali oo ahaa Horjeege si wayn looga yaqaanay deegaanka.

Xaashi Garaad ayaa la sheegay inuu ku caan-baxay baadda iyo dhaca xoolaha dadka reer miyiga ah, uuna shaqadaas u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa imanaya, iyada oo ay shalay howl-gal culus iyo duqeymo iyo ka dhaceen duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbasa Hoose.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkaas ayaa shaaca ka qaaday inay ku beegsatay deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka magaaladaas, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Howl-gallada oo dhacay saddex jeer ayay dowladdu sheegtay in mid kamid ah ay ciidanka xoogga dalka, ciidanka dowlad-goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah habeen hore ilaa shalay subaxdii uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afmadow.

Si kastaba, dowladda ayaa maalmihii dambe dardar-gelinaysay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli bishii hore uu hakad ku yimid, waxaana dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Somalia in mourning: Family lost to Al-Shabab bombing

Buluburde (Caasimada Online) – In an appalling incident of violence blamed on the notorious jihadist group Al-Shabab, a local authority disclosed on Monday that eight civilians tragically lost their lives in central Somalia.

The attack, characterized by an explosion at the roadside, killed an extended family in a community shaken by terror.

This horrific incident unfolded on a Sunday evening in the vicinity of a small hamlet just outside Buloburde, approximately 220 kilometers, or 136 miles, north of Mogadishu, the capital of Somalia.

Sadam Abdi Idow, the mayor of Buloburde, addressed the media, saying, “A woman was among the eight innocents slaughtered by this callous act. The victims, tragically, were all members of the same extended family.”

Al-Shabab behind the attack

In his dialogue with the reporters, Mayor Idow voiced his accusation, pinning the act on the Al-Shabab terror group.

“Having been vanquished in ongoing military offensives in the area, it’s believed these Al-Shabab militants planted the explosive,” he stated.

“The disregard shown by these terrorists towards innocent civilians is beyond reproach.”

Eyewitness accounts attest to the horror of the incident, recounting that seven victims succumbed to injuries while another died.

Abdulkarim Hassan, a resident of Buloburde, shared his profound grief. “This calamity left us stunned. Three of the victims were from one family, and the rest were from another, but kinship ties bound all,” he lamented.

Al-Shabab: A resilient threat

Al-Shabab, which pledges allegiance to Al-Qaeda, has been waging a bloody insurgency since 2007 to overthrow the foreign-backed government based in Mogadishu.

Driven out from Mogadishu in 2011, Al-Shabab continues to pose a significant threat.

The group remains deadly despite a major offensive last August that saw a combined force of pro-government troops, African Union soldiers, and US air strikes.

The incident near Buloburde came in the aftermath of a prolonged armed clash in the region, as reported by military sources.

“Following their defeat in the armed standoff, these terrorists vented their spite on the unsuspecting civilians by planting a landmine on the main thoroughfare frequented by locals,” Ahmed Ali, a senior Somali military official, conveyed over a phone call.

Xasan oo beddelay dhaqan siyaasadeedkiisi, farriin culusna u diray xubnaha xisbigiisa ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sabtidii waxaa shaqada laga eryay Wasiirkii Maaliyadda ee dowladda federaalka ah, Dr Cilmi Maxamuud Nuur. Xil ka qaadistiisa waxaa miisaan gaar ah u yeelay inuu xubin muhiim ah ka ahaa xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee la yiraahdo UPD.

Waxa uu ahaa qofka ugu muhiimsan uguna muddada fog ee reer Waqooyi ah ee Xasan Sheekh Maxamuud wax la dhistay.

Qaabka loo bixiyay ama xilka looga qaaday waxaa ku dhex jirta farriin gaar ah. Wasiirku waxa uu shaqada ka joojiyay agaasimaha dakhliyadda iyo xisaabiyaha guud, mushaarkii ayay dadka qaar kasoo daahay bishan, khilaafyo kalana waa jireen, laakiin dhamaan arrimahan waxay ahaayeen kuwa si hoose loo xalin karayay oo aan u baahneyn in fal-celintooda la gaarsiiyo heer wasiirka shaqada laga eryo.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya waxay leeyihiin sida loo maareeyay xaaladda Dr. Cilmi iyo qaabka loola dhaqmay shaqsi ahaan intuba waxay farriin taban u tahay dhamaan xubnaha xisbiga UPD, ee isku dayaya inay dadka ku harowsadaan inay madaxweyne Xasan Sheekh wax la leeyihiin ama ay xukunka dadka uga dhow yihiin.

Farriintan waxaa la yiraahda haddii aadan u shaqeyn sida aan rabo waxaa u baxeysa si aad rabin. Tallaabada laga qaaday Dr. Cilmi mid ka qaraar badan inay ku dhici karto xubnaha kale ee UPD ee xilligaan dowladda ku jira ayay tani calaamad u tahay ayay leeyihiin fallanqeeyayaashu.

Waa digniin aan la maldihin oo isla kooxda gudaheeda ku socota. In uu Dr. Cilmi gardarnaa iyo in laga gardarnaa waxaa ka muhiimsan in madaxweyne Xasan Sheekh u kala saaran tahay shaqada iyo kooxnimada.

In shaqada iyo kooxnimada la kala qaado waxay dadka qaar u arkaan caafimaad dowladeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad fursad u helay inuu dalka xukumo, wuxuu u muuqda inuu beddelay dabeecad kamid ah dabeecadihii lagu yaqaanay gal xukunkiisi hore, taas oo aheyd in gar iyo gardaraba uu garab siiyo saaxiibadiis oo uu xukunka ku hayo.

Waxaa la xasuusta in xukuumad dhan uu Baarlamaankii 9-aad usoo diiday xubno madaxweynaha saaxiib la ahaa, madaxweynuhuna uu ku adkeysanayay inay xukuumadda kusii jiraan, laakiin markii dambe lagu qasbay in laga reebo liiska.

Hadda waxaa daawaneyna Xasan Sheekh cusub oo haddii ay kooxdiisa wax qaldaan ama u shaqeeyaan si ka duwan sida uu rabo deg deg uga saari kara nidaamka.

Tallaabadii laga qaadar wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur waxay farriin taban oo cabsi ah u tahay dhamaan xubnaha xisbiga UPD ee xilalka haya oo laga yaabo inay isku dayaan ku tagri-fal awoodeed ama qaadashada go’aano shaqsi ah oo aan lala ogeyn, waxayna dadka si fudud u fahamsiisay qeyb kamid ah farqiga Xasan Sheekh tallinayay 2012 illaa 2017 iyo Xasan Sheekh xukunka haya maanta.

Wasiir FIQI oo shaaciyey in ciidankii Gorgor lagu beddelay ciidan cusub oo la yiraahdo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa shaaciyay in ciidamadii Gorgor ay bedeleen kuwa kale oo la yiraahdo Khaalid Bin-Waliid.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Khaalid Bin-Waliid la yiraahdo oo shalay ka baxay magaalada Muqdisho ay door muhiim ah ka qaadanayaan sidii dalkaan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab.

Guutada Khaalid Bin-Waliid ayuu wasiirka sheegay inay kusii jeedeen goobaha dagaalka ee ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab isku hor fadhiyaan.

“Ciidamadeen haddii Gorgor iyo Haramcad la dhihi jiray shalay waxaa baxday guuto la yidhaahdo Khaalid Bin-Waliid, oo inay soo afjarto kooxahaan u baxday meelaha yar-yarka ah ee gobollada dhexe,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalim Fiqi.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa naga go’an in aan kooxahaas dalka ka qabano, waana hadafka koowaad. Ciidankii weynaa ee la filayay ee howl-galkii Libaaxa Madow la dhihi jiray isaguna goordhow ayuu bilaabanayaa.”

Saxaabiga Khaalid bin Waliid (Allah ha ka raali noqdee), oo kamid ahaa geesiyadii saxaabada ee diinta usoo dagaalamay, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Jeneraalkii ugu wanaagsan ee militari ee dunida soo maara, ayada oo abid aan looga guuleysan dagaal uu galay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in ciidamadan loogu magac daray Khaalid bin Waliid ay yihiin kuwo dhawaan uun tababar dibadda ah kasoo laabtay, kana yimid dalka Masar, iyagoo 3,000 askari oo kamid ah dalka Masar lagu soo tababaray, oo ay taageereyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan ayaa ku hubeysanaa hub iyo gaadiid cusub, waxaana laga dareemayay inay qabaan tababar ka duwan ciidamada kale, iyadq oo muddooyinkan aysan dowladd Masar ciidamo tiradaas ah u soo tababarin Soomaaliya.

DF oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah Koofi, Cabdul, Saabey iyo mas’uuliyiin kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu yeertay 7 masuul oo ka tirsan hay’addaha dowladda inay muddo ku siman 30 maalmood gudahood ah ay ku horyimaadaan maxkamadda.

Baafin rasmi ah oo kasoo baxday maxkamadda gobolka ayaa waxaa kasoo dhex muuqday agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey, agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo agaasimihii dhawaan is-casilay ee Cabdul.

Masuuliyiintan ayaa waxay dacwad ciqaab ah oo dhinac ka yihiin uga furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay inay galeen musuq-maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukuminti iyo ku takrifal hanti dadweyne.

“Waxay maxkamadda faraysaa eedeysanayaashan inay ku hor yimaadaan maxakmadda muddo soddon (30) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabanaysa maalinta taariikhdu tahay 11/07/2023 kuna eeg 11/08/2023, oo ah maalin Arbaco ah, saacaduna tahay 10:00 Am subaxnimo, si ay iskaga difaacaan eedda uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxay fareysaa masuuliyiintaan inay dhowraan wakhtiga maxkmadda ay u qabatay, haddii ay maxkmadda ku hor imaan waayaan muddadaas ay maxkmadda qaadi doonto habraaca ku xusan Qod. 128/E Xeer lambar.84 oo ah in ay qaadi doonto dacwadooda iyaga oo maqane ah.

Hoos ka aqriso magacyada masuuliyiintan ay u yeertay maxkamadda;

  1. Muxudiin Xasan Jurus (Saabey), ahaa agaasimaha waaxda canshuuraha bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya – maqane.
  2. Maxamed Idiriis Axmed, ahaa madaxa qaybta canshuuraha dadban ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – maqane.
  3. Dr. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ahaana agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda – maqane.
  4. Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ahaana agaasimihii hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – maqane.
  5. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caadle), ahaana agaasimihii hore ee waaxda ajaanibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda – maqane.
  6. Abuukara Xasan Aadan, ahaana madaxii hore ee xaqiijinta dukumtiyada codsiga Visa kordhinta ee waaxda ajaanibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – maqane.
  7. Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim, ahna shaqaale ka tirsan qeybta ruqsad siinta ajaanibta ee waaxda sharciga iyo xiriirka shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kana howl-gali jiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan – maqane.

Fal-celin caro iyo niyadjab leh oo ka dhalatay xukunkii maxkamadda ciidamada ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay xukun ay maanta maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ku ridday nin lagu helay kamid ahaanshiyaha kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena weerar loo adeegsaday qarax ka fuliyey magaalada caasimada ee Muqdisho.

Nikan oo lagu magacaabo Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow ayaa waxa ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Yuusuf Duqow Xuseen uu Al-Shabaab kaga biiray Buur-Eylo oo hoostagta degmada  Buur-Hakaba, uuna mushaar ahaan u qaadan jiray biishiiba $70.

Kadib waxa ay Maxkamaddu sheegtay inuu usoo wareegay magaalada Muqdisho, si uu uga fuliyo dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan uu ka dambeeyay qarax bam-gacmeed ah oo lagu weeraray waaxda labaad ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Suleymaan A. Axmed: “Sabab ayaa xabsi loogu xukumay ninba la ogyahay dil iyo qaraxyo inuu geeysan jiray, maxaa tiirka loo taagin?.”

“Run ahaantii qofka markuu is dhiibo xukun xabsi waa lagu ridi karaa laakiin nin asagoo bam tuuraayo dilna gaysanaayo lasoo qabtay sidee xabsi loogu xukumi karaa waa iga su’aale. Maa dil lagu xukumo,” ayuu yiri qof kale oo isaguna ka fal-celiyay arrintaan.

Caraale Yaasin Maxamed ayaa isna yiri “Ragan daawadoodu waa toogasho ee hala dilo waxba jeel ku dawoobi maayo waa waraabe imaanka Alle ha ka qaado Shabaab.”

Nasra Raabi: “In la xidho maba ahayn al-qushaash hala dhadhansiiyo xanuunku u gaystay shacabka Soomaaliyeed waa in la aaso isagoo nool nacaladi haku dhacdee.”

“Ragan dawadoodu waa toogasho ee hala dilo waxba jeel ku dawoobi maayo waa waraabe imaanka alle haka qaado Shabaab,” ayuu yiri Caraale Yaasiin Maxamed.

Kaamil Magan ayaa isna yiri: “In la toogto ayay ahayd waxaan maxaa laga xiraya.”

Maahir Zayed: “Dowlada maxa ka qaldan dadkan iyagaba raba iney dhintaane ma loo fududeeyo waa maxay xabsiga?.”

“In latoogto ayey ahayd kuwo kale ayaa ku quus qaadan lahaa. Doofaar ma daahiro,” ayuu yiri Saciid Cabdi Faarax.

Jamaal Cabdiraxmaan: “Dowladda waa in qof Al-Shabaab xataa ku riyooday, oo ka mid noqdo waa in ay dishaa, xabsi in la geeyo qof bambo tuuri rabay oo dad dilo wa qalad.”

Sababta soo dadajisay xil ka-qaadista wasiirkii maaliyadda Soomaaliya (Saddex arrin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen hore waxaa shaqada laga eryay Wasiirkii Maaliyadda dowladda federaalka ah Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Marka la eego dhacdooyinkii socday maalmahan dadka qaarkii waa filan kareen isbeddel, laakiin maadaama Dr. Cilmi ka tirsanaa xisbigii madaxweynaha ee UPD oo xubin muhiim ah u ahaa kooxda, waa adkeyd in la aamino in xil ka qaadis la sumcad xumeeyay lagu sameyn doono.

Dr. Cilmi waxa uu dhawaan shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha dakhliyadda iyo xisaabiyaha guud ee qaranka. Arrintaan waxaa la sheegay inay madaxda sare ee dowladda ka carootay.

Wuxuu u muuqday go’aan uu si shaqsi ah u gaaray. Cadaadis badan kadib Dr. Cilmi waxaa lagu qasbay inuu dib usoo saaro warqad uu kaga laabanayo shaqo joojintaas.

Inkasta oo ay dooddo sharci ah ku furan yihiin awoodda uu wasiirka Maaliyadda u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo xisaabiyaha guud ee qaranka.

Haddana midda ugu muhiimsan waa in wasiirkii lagu qanciyay inuu go’aankiisi hore ka laabto, maalinkii xigayna isaga ayaa lagala laabtay xilkii wasiirnimadda.

Dadka qaarkii waxay leeyihiin “si sumcad ahaan aad u hooseysa oo aanu filan karin qof ka tirsan xisbiga madaxweynaha ayaa loola dhaqmay wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.”

Saddex arrimood oo is-biirsatay ayaa loo aaneynayaa sababta keentay xil ka qaadista Dr. Cilmi, iyada oo xilkiisii loo magacaabay Biixi Iimaan Cige oo laga soo wareejiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

1. Khilaaf muddo ka jiray gudaha wasaaradda

Sida ay illo xogagaal ah inoo sheegeen wasiirka iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda ayaa kala taagna in muddo ah.

Cabashooyinka laga keenay wada-shaqeynta wasiirka ayaa sidoo kale badnaa, iyada oo dhanka madaxweynaha la sheegay inay gaareen cabashooyin ka dhan ahaa wasiir Cilmi.

2. Shaqo joojintii uu dhawaan ku sameeyay xisaabiyaha guud, isaga oo madaxda la tashan

Ninka hadda ku fadhiya booska xisaabiyaha guud ee qaranka wuxuu ka yimid dhanka madaxweynaha, tallaabada laga qaaday waxay toos u taabatay madaxweyne Xasan Sheekh. Iyada oo ay jiraan warar sheegaya in shaqada xisaabiyaha guud uu madaxweynaha illaa hadda ku qanacsan yahay.

In tallaabo sidaas u weyn oo wada-tashi la’aan ah wasiirka uu qaadi karo ayaa lumisay aaminaadii uu ka haystay madaxda sare ee dalka, ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya xil ka qaadistii habeen hore lagu sameeyay wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

3. Mushaarkii shaqaalaha dowladda oo soo daahay bishaan

Shaqaalaha kumeel-gaarka ah ee dowladda, qaar kamid ah kuwa rasmiga ah iyo xafiisyada qaar ayaa weli mushaarkii u dhicin.

Arrintan oo ay sababteeda farsamo xumo qeyb ka tahay ayaa kamid ah waxyaabaha madaxweynaha dhibsaday, sida lasoo warinayo.

Arrimahaan isbiirsaday ayaa sababay in habeen hore xilkii wasiirka Maaliyadda uu waayo Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo kamid ahaa xisbiga madaxweynaha ee UPD.

Xog: VILLA SOMALIA oo soo faro-gelisay xiisadda BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhashay xiisadda xoogan ee hareysay Baarlamaanka Soomaaliya oo Sabtidii ku kula qaybsamay ajendaha kulankooda.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ka horyimid in kulankaas uu ka qayb-galo wasiirka amniga gudaha Maxamed Sheekh Cali Doodishe, taas oo keentay inuu buuq xoogan hareeyay kulankii Golaha oo ugu dambeyn guddoonku iska soo xiray, markii la kala bixi waayay.

Sidoo kale waxaa maanta baaqday kulan kale oo ay xildhibaanadu ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa, kadib markii ay faragelin ku sameysay madaxtooyada qaranka.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay ku qancisay gudoomiyaha Golaha Shacabka inuu baajiyo kulankan illaa inta laga gaarayo Arbacda, si xal loogu helo doodda taagan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa tuhun weyn ka qaba kulanka baarlamaanka, maadaama uu soo baxay guux weyn oo ku aadan in xildhibaanadu ay wadaan mooshin culus oo ka dhan xukuumadda Dan-Qaran.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hortegaya qorshahaasi ayaa hadda kala fur furis ku bilaabay xubnaha Barlamaanka, si xiisadda loo qaboojiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xalay kulmay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka, oo uu kala hadlay xiisadda taagan, waxaana qaarkood la sheegay in loo ballan qaaday xilal, sida wasiir, safiir, shaqaaleysiin iyo sidoo kale dhaqaale.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arrintan xoogeeda si weyn oooga dareemayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo ay xildhibaanadu ka wadeen dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, kaas oo si weyn loo dareemay kadib kulankii dhacay Sabtidii.

Si kastaba, waxaana kulankaasi soo baxday awoodda xubnaha mucaaradka ay dhexe ku leeyihiin Baarlamaanka, kadib markii ay hor-istaageen ajendihii ay wadatay xukuumadda.

Haweeney fal argagax leh ka geysatay gobolka GEDO

0

Belexaawo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhacdo argagax leh ay maanta ka dhacday duleedka degmada Belexaawo ee gobolkaasi.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii haweeney ku hubeysneyd mindi ama toorey ay haweeney kale ku dishay deegaanka Oodan oo hoostaga magaaladaasi.

Marxuumadda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nasro Cabduqaadir Maxamed, ayada oo haatan maydkeeda la geeyay isbitaalka Kaliil ee degmada Beledxaawo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilka ka hor uu laba haween oo daris ahaa uu dhex-maray muran, kadibna haweeneyda dilka geysatay ay toorey soo qaadatay, kadibna sidaaas ay ku dishay marxuum Nasro Cabduqaadir Maxamed.

Haweeneyda eedeysanaha ah oo lagu magacaabo Calaso Muxumed ayaa sidoo kale goobta isaga baxsaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo haatan baadi goob ugu jira haweeneyda dilka geysatay, si gacanta loogu soo dhigo.

Dhanka kale qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dhacdadan waxayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno haweeneyda baxsatay.

Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka oo aad uga naxay, waxaa sidoo kale dhacdadaan aad looga hadlay Beledxaawo iyo nawaaxigeeda.