27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Al-Shabab oo arrin cusub ka billowday duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe wajaheysay culeys dhanka dhaqaalaha ah kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay dagaal xooggan la gashay, ayaa haddana waxay dhawaan kooxda billowday qorshe cusub oo lacag ku aruursaneyso.

Kooxda ayaa waxay saldhig ay ku aruursato lacagaha baadda ah ka sameysatay deegaan aan aad uga fogeyn Muqdisho, halkaasi oo ay maalmihii dambe ugu yeertay maamullada dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo qaar kamid ah maamullada Jaamacadaha, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Deegaankan ayaa lagu magacaaba Galka Saalimow oo u dhaxeeya Ceelasha iyo deegaanka Jaziira ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, waana goobta ay toddobaadyadii dambe ugu yeertay dadka ay lacagaha baadda ah ka rabaan.

Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in maamulayaasha iskuullada gobolka Banaadir ee kooxda ugu yeertay ay iskuul kasta maamulihiisa weydiisatay lacag $300 ah, taasi oo kooxda kusoo rogtay in bil walba bixiyaan.

Lacagtaan ay kooxda kusoo rogtay maamullada iskuullada gobolka Banaadir ayaa la faray inay bil walba 30-keeda bixiyaan, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay canshuur ama waxay ugu yeeraan Zakawaad, ay ka rabaan iskuullada gobolka ee dugsiyada hoose/dhexe iyo sarre.

Qorshaha lacag aruursiga ee ay billowday kooxda ayaa sida xogta ku helayno ku koobneyn gobolka Banaadir, waxaana jira maamulo kale oo sidan oo kale ka bilaabeen aruursiga lacagaha baadda ah.

Magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Jowhar, Kismaayo, Beledweyne iyo magaalooyin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug ayay xogta sheegaysa in kooxda ay ka billowday inay bahda waxbarashada ka qaado lacagaha ay ku sheegtay Zakawaadka.

Majiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qorshaha cusub ee kooxda ku aruursaneyso lacagaha.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka dhowrka weji leh ee kooxda Al-Shabaa, waa markii ugu xooggana ee kooxda ay lacag ka aruurineyso bahda waxbarashada, gaar ahaan hay’adaha sida gaarka loo leeyahay ee iskuullada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u xirtay akoono iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana weli muuqata in kooxda ay la imaneyso xeelado cusub oo lacag ku aruursaneyso, xilli ay socdaan dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda, inkasta oo ay dowladda sheegtay inuu dhawaan billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

KOOFI oo soo bandhigay 10 qodob ‘oo ay damacsan tahay’ Villa Somalia (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo hadda kamid ah mas’uuliyiin dhowr ah oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, isla-markaana ay dowladdu sheegtay inuu ka baxsaday cadaaladda ayaa warbixin soo saaray, taas oo uu ku weeraray hoggaanka Villa Soomaaliya.

Koofi ayaa shaaciyay 10 qodob oo uu sheegay inay damacsan tahay in maalmaha soo socda ay sameyso dowladda madaxweyne Xasan isaga oo u jeedeiyay eedeymo culus.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan la karkariinayo qorshe wax looga beddalayo Dastuurka, sidoo kalena muddada loogu kordhinayo hay’adaha dowladda.

“Ujeedada ayaa ah in kooxda Villa Somalia ay sanado dheeri ah u hesho dhibaateynta, kala dirridda, boobka, iyo dhaqamada xun ee muddadii sanadka aheyd ee la soo dhaafey ay ku hayeen ummadda Soomaaliyeed” ayuu warbixintiisa ku yiri Maxamed Aadan Koofi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Adigoo Rag Ka Diidey Ha Raadin Maanta!

Maalmahaan waxaa socday isku dayo, la doonayo in dastuurka wax looga baddalo, si sharci darro ahna loo kordhiyo mudda xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee DFS.

Ujeedada ayaa ah in kooxda Villa Somalia ay sanado dheeri ah u hesho dhibaateynta, kala dirridda, boobka, iyo dhaqamada xun ee muddadii sanadka aheyd ee la soo dhaafey ay ku hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Xogaha hoose ee aan heleyno, ayaa sheegaya in ay jiraan qorsheyaal ay ku riyoonayaan in ay ku xaqiijin karaan ujeedadooda gurracan, waxaana ka mid ah:

1) Xadgudub iyo caga jugleyn loo geysan doono xildhibaanada diida qorshaha;

2) Laaluush iyo xilal lagu bixiyo fulinta ujeedada;

3) Xilalka oo lagu bixin doona hadba heerka nacamleynta shaqsiga;

4) Been abuur laga sameeyo siyaasiyiinta diidan aragtida kooxda;

5) Dilal qorsheysan oo la la beegsan doono dadka diidan qorshaha;

6) Hub ka dhigis lagu sameeyn doono siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka aragtida duwan Kooxda;

7) Dukumentiyada muhiimka ah oo ay ku jiraan kuwa safarka oo laga xayiri doono qofkasta oo ka soo horjeesta qorshaha kooxda;

9) Xisaabaadka (accounts) siyaasiyiinta oo loo dhici doono si been abuuro looga sameeyo;

10) Muqaalo xun oo laga sameeyo dadka ka aragtida duwan kooxda, si loo ceebeeyo (Jeeniskaaga ku seexo, shukaansigana yareey).

Dariiqa ay kooxdaani ku socoto ayaa ah mid ku xirmey rafashadii iyo dagaaladii hore loogu diiday kororsi, ayna weli yaalaan burburka iyo haraadiga gacan ka-hadaladii ka dhashey diidmada.

Muddo sanad ah oo ay Kooxdaani joogtey xilka, waxaa kala tagey dadkii iyo dalkii, waxaa naga aamin baxay dunidii, waxaa xoogeysey oo hub iyo hanti loo gacan galiyey Khawaarijta, waxaa la bahdiley dadkii difaaca iyo dowlad dhiska lagu yaqaanney, waxaa la boobey wixii ka harey boobkii ay 2012 – 2017 ay kooxdu geysatey, khibraddii iyo aqoontii ayaa qaaqle lagu badaley, ganacsatadii ayaa la canaadey lana dhacey, dhaqaalihii dalka ayaa burburey, ciidamadii ayaa laga dhigey calooshooda u shaqeysteyaal lagu adeeganayo.

Koox sanadkeeda koobaadba, dooneysa kororsi, ha ka sugin wax qabad iyo hore u socod midna. Waxa harey waa waqti lumis iyo burbur oo kali ah.

Dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin, in ay diidaan qorsheyaasha gurracan ee meesha ka saaraya dowladnimada iyo jiritaankaba.

Ballanteenu waa in aan dariiq kasta u marnaa, sidii loo joojin lahaa qorsheyaasha kooxda Dacasleyda ah.

Dr. Mohamed Aden Kofi

Guddoomiyaha KMG ah ee Urur Siyaasadeedka Raad.

Dad isku qoys ah oo qarax lagu dilay gobolka HIIRAAN

0

Buulo-burde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasasaaraha ka dhashay qarax miino oo gelinkii dambe ee Axaddii shalay dad shacab ahaa lagula eegtay deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buulo-burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay mooto ay la socdeen dadkaasi, waxaana goobta ku dhintay dad isku qoys ah oo sidoo kale ahaa beeraley.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, oo shan kamid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah.

Sidoo kale saddex kale ayaa la sheegay inay ahaayeen Aabe iyo laba wiil oo uu dhalay, kuwaas oo iyana  goobta ku geeriyooday, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Duqa degmada Buulo-burde Saadaam Cabdi Iidow oo ka hadlay dhacdadaan ayaa ka warbixiyay, wuxuuna sheegay in dhammaan sideeda qof ay wada geeriyoodeen.

“Dadkaan Family ayay ahaayeen beerahooda ka imaaday mooto saddex lugooley ah ayay wateen qaraxa ayaana haleelay intoodiina waa geeriyoodeen” ayuu yiri Saadaam Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka dhintay oo isku qoys ahaa ay ahaayeen todobo rag ah iyo hal dumar ah, wuxuuna ku eedeeyay qaraxan inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.

“Sideed ruux ayay ahaayeen hal dumar ah ayaa ku jiray inta kale rag waayey waa wada geeriyoodeen, waana calaamado lagu yaqaano Khawaarijta marka laga taag roonaado” ayuu mar kale yiri duqa degmada magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, weerarkan qaraxa loo adeegsaday ee dadka shacabka ah lala beegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Shabaab.

Daawo: Maxaad ka taqaan guutada Khaalid Bin Waliid ee ciidamada xoogga dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Muqdisho ka sagootiyay ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la sheegay inay kusii jeedeen goobaha dagaalka ee ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab isku hor fadhiyaan.

Ciidamadan oo wasiirku Khudbad dheer oo dhiirigelin diini ah u jeediyay ayey warbaahinta dowladdu baahisay inay lagu magacaabay: Guutada 24-aad ee Khaalid Bin Waliid ee ciidanka xoogga dalka, ayna ku biirayaan furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta.

Saxaabiga Khaalid bin Waliid (Allah ha ka raali noqdee), oo ka mid ahaa geesiyadii saxaabada ee diinta usoo dagaalamay, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Jeneraalkii ugu wanaagsan ee militari ee dunida soo maara, ayada oo abid aan looga guuleysan dagaal uu galay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in ciidamadan loogu magac daray Khaalid bin Waliid ay yihiin kuwo oo dhowaan uun tababar dibadda ah kasoo laabtay, kana yimid dalka Masar, iyadoo ka mida 3,000 askari oo dalka Masar lagu soo tababaray, oo ay taageereyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan ayaa ku hubeysanaa hub iyo gaadiid cusub, waxaana laga dareemayay inay qabaan tababar ka duwan ciidamada kale, iyadoo muddooyinkan aysan dowladd Masar ciidamo tiradaas ah u soo tababarin Soomaaliya.

“Guutada Khaalid Bin Waliid ee ciidanka xoogga oo u ruqaansatay soo afjaridda haraadigii kooxaha Khawaarijta. Insha Allaah kol dhow iyo guulo isdaba-joog ah iyo ciidankeena oo guushu xaliifkooda ay noqoto,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay howlgalka ciidankan.

Wasiirka ayaa ciidamadan kula dardaarmay wacdi diini ah, isagoo ku booriyey dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarijta Alshabaab iyo inaysan dagaalka kasoo jeesan ilaa ay ka xoreeyaan dalka.
 

Xildhibaanada Puntland ku metala BF Soomaaliya oo ku dhawaaqay go’aan culus

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baaralamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xiisadda ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan doorashada.

Warkan oo ay si wadajir ah u soo saareen afar xildhibaan iyo lix senator oo maalmahan ku sugnaa Garoowe ayaa marka hore ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda taagan, sidoo kalena la’isugu yimaado wadahadal, si xal loo gaaro.

Sidoo kale waxay go’aamiyeen, isla-markaana ay soo jeediyeen in hadda la joojiyo furista dastuurka iyo la qabto doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Nugaal.

Waxa kale oo ay dalbadeen in la ilaaliyo jadwalka doorashada, isla-markaana lagu qabto xilligeeda oo ah 8 Jenuary ee 2024-ka.

Halkan hoose ka aqriso:- 

  1. in sadexda dagmo ee Gobolka Nugaal ee golayaasha Deegaanka ee diiwaan galintoodu dhacday ka harsan, la qabto doorashadooda oo golayaashoodda deegaanka la soo doorto.

Magacyadda Mudanayasha

  1. San. Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde
  2. San. Cabdiqani Geele Maxamed
  3. San. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab
  4. San. Sareedo Maxamed Jayte
  5. San. Saynab Ismacil maxamed ( Tiimbiye)
  6. San. Maxamed Cabdi Cismaan (Maajino).
  7. Xil. Sahra Cabdullahi Bundunte
  8. Xil. Cabdullahi Bidhaan Warsame
  9. Xil. Cali Yuusuf Calixoosh
  10. Xil Cismaan Cali Yusuf

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay magaalada Xagar + Sawirro

0

Afmadow (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Xagar oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo in ka badan 10-kii sanno ay ku sugneyd kooxda Al-Shabaab.

Xagar ayaa illaa 80 KM u jirta magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo muujineyso in ciidamada huwanta ay kusii dhowaanayaan dhulka Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ee qabtay magaaladan ayaa ka baxay degmada Afmadow oo haatan laga hagayo howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u galeen magaalada, ayna gacanta ku dhigeen ku dhawaad 10 Shabaab ah.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa dhankeeda baahisay sawirro iyo muuqaallo ku saabsan qabashada magaalada Xagar oo ay sheegtay in lagu soo dhaweeyay ciidamada.

“Ka dib Xoreyntii Magaalada Xagar ee gobolka Jubbada hoose oo Khawaarijtu muddo dheer Shacabka ku dhibaateyneysay Shacabka ayaa si diiran usoo dhaweeyay Ciidanka xoreeyay Magaalada, fagaareyaal ayay ku kulmeen”. ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in saraakiisha ciidamada ay la kulmeen bulshada deegaanka, ayaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan ammaanka.

“Saraakiisha Ciidanka ayaa Shacabka Xagar kula hadlay Bartamaha Magaalada waxaana ay uga Mahad celiyeen sida diiran ee ay usoo dhaweeyay iyagoo usoo jeediyay inay ciidanka kala shaqeeyaan ciribtirka Khawaarijta.” ayaa lagu yir qoraalka warbaahinta qaranka.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamiud ah gobollada Jubbooyinka ee Jubbaland.

Si kastabaya, shalay ayay ahayd markii saddex howlgal oo duqeymo xoogan ay barbar socdeen Al-Shabaab lagula beegsaday agagaarka degmada Afmadow ee Jubbada Hoose.

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday nin qarax ka geystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday nin lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, sidoo kalena weerar loo adeegsaday qarax ka fuliyey magaalada caasimada ee Muqdisho.

Nikan oo lagu magacaabo Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow ayaa waxa ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay xukunka ninkan, kadib markii ay Maxkamaddu soo gabagabeysay dhageysiga kiiskan oo muddo soo socday.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Yuusuf Duqow Xuseen uu Al-Shabaab kaga biiray Buur-Eylo oo hoostagta degmada  Buur-Hakaba, uuna mushaar ahaan u qaadan jiray biishiiba $70.

Kadib waxa ay Maxkamaddu sheegtay inuu usoo wareegay magaalada Muqdisho, si uu uga fuliyo dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

“Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga filayo Muqdisho dilal iyo qaraxyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkna uu ka dambeeyay qarax bamgacmeed ah oo lagu weeraray waaxda labaad ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

“14 May sanadkaan ayaa Yuusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray waaxda labaad ee degmada Hodan” ayay mar kale sii raacisay Maxkamaddu.

Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamadda Ciidamadu xukuno adag ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya.

Kadib booqashadii Nuradiin: 3 arrin oo weyn oo horyaalla sirdoonada Somalia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka waddanka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa Jimcihii booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, bil kadib un markii Baarlamaanka Kenya uu ansixiyay magacaabistiisa.

Magacaabista Nuuradiin ayaa xoojisay doorka Soomaalida ku leedahay xukunka madaxweyne William Ruto.

Taliye Nuuradiin ayaa kulan saacado qaatay waxa uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad. Sidoo kale madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la soo wariyay inuu arkay.

Kulanka Muqdisho ee labada taliye ayaa kusoo aaday waqti muhiim u ah Soomaaliya oo lagu guda jiro diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo maalmahan diirada saarayay hagaajinta xiriirka dibadda ee hay’adda NISA ayaa kulan gaar ah xarunta hay’adda kula qaatay dhiggiisa Kenya.

Haddaba, waxaa eegayna saddex arrimood oo horyaalla labada Sirodoon ee labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah;

1. Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Kenya waxay kamid tahay dalalka safka hore ee ku yaboohay inay ciidan uga qeyb qaadanayaan wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Horey ciidanka Kenya waxay uga mid ahaayeen howl-galka ATMIS, laakiin ciidanka ka qeyb qaadanaya wejiga labaad ee dagaalka waa kuwa ka baxsan ATMIS sharci ahaan iyo shaqo ahaanba.

Boqolaal dagaal-yahaano ah oo Kenya u dhashay ayaa ku jira kooxda Al-Shabaab, waxaana jira walaac ku saabsan inay u firxadaan dhanka Kenya.

Ajnabiga kale ee u dagaalama kooxda ayaa sidoo kale beegsan kara dhanka dalalka deriska ah. Wada-shaqeyn gaar ah iyo habka loo wajahi karo arrintaas ayaa hortaalla labada Sirdoon ee labada dal.

2. Dib u furida xuduudda

Dhawaan labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen in dib loo furo xadka labada dal, kaas oo u xirnaa sababo amni. Weli ma dhaqan-galin arrintaas, sababaha ay u dhaqan-gelin waxaa kamid ahaa in aanay NISA iyo NIS ay isla meel dhigin qorshaha cusub.

Mahad Salaad iyo Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa waxaa looga fadhiya doorkooda si loo dhaqan-geliyo dib u furida xadka.

3. Sahalka socdaalka

Marka laga hadlayo Kenya, hay’adda Sirodoonka iyo Nabad-sugida iyada ayaa gacanta ku haysa faylka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka socdaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya William Ruto waxay hore ugu heshiiyeen in la fududeeyo socdaalka. Dhanka Kenya weli wax badan iskama beddelin.

Maadaama Nuuradiin oo Soomaali ah uu madax ka noqday hay’adda Sirdoonka Kenya, waxaa muuqata fursad lagu soo afjari karo caqabadaha socdaalka, waana qodob kale oo muhiim ah oo labada taliye looga fadhiyo inay jiheeyaan.

UAE espionage rattles Belgium: Ambassador summoned

Brussels (Caasimada Online) – In response to allegations of a clandestine operation aimed at tarnishing reputations, Belgium summoned the United Arab Emirates (UAE) ambassador in Brussels for a full inquiry.

This move followed accusations of the Gulf nation’s involvement in a disinformation campaign to falsely associate at least 1,000 European individuals and entities with the Muslim Brotherhood, as unveiled by a report last Friday.

From 2017 to 2020, a Swiss private intelligence firm, Alp Services, generated profiles of individuals from 18 European countries and 400 organizations.

The operation, allegedly commissioned by Emirati intelligence, was exposed via 78,000 confidential documents obtained by the French digital newspaper, Mediapart and later shared with the European Investigative Collaborations (EIC).

The documents contained a detailed infographic to fabricate links between hundreds of individuals and extremist activities.

Belgium’s stake: A federal minister among the targeted

Of the targeted entities, 80 organizations and 160 individuals were Belgian, including Zakia Khattabi, Belgium’s federal minister for environment and sustainability.

Rejecting these baseless claims, Khattabi told French publisher Le Soir, “I hope the research did not cost much because everything is false.”

She categorically denied any association, near or far, with the Muslim Brotherhood.

Her party, Ecolo, also falsely implicated, vehemently denounced the UAE’s alleged participation in the disinformation campaign.

The party described the UAE’s actions as “scandalous” and “emblematic of the antidemocratic practices of this regime.”

Counterclaims and Reactions

Meanwhile, political scientist Fouad Gandoul, another Belgian named in the scheme, likened the experience to a “James Bond film.”

He, too, refuted any connection with the Muslim Brotherhood. As per Le Soir, Gandoul was implicated due to his past association with a now-defunct organization advocating progressive Muslim voices.

The UAE allegedly remunerated Alp Services with sums ranging between 20,000 and 50,000 euros per target, amounting to at least 5.7m euros.

Besides crafting defamatory media campaigns, Alp reportedly tampered with Wikipedia pages and aimed to prompt banks into closing specific accounts.

More than 200 individuals and 120 organizations in France were also subjects of Alp’s smear campaign.

Prominent among them was former leftist presidential candidate Benoit Hamon, who confessed to continuous and baseless attacks on his social network posts since his candidacy.

Response from UAE and Alp services

When approached by EIC, UAE officials did not provide a comment. Alp Services insisted that their actions were based on “stolen data.”

They raised doubts about potential falsifications in their received documents.

The UAE has previously been reported to finance smear campaigns by Alp, as stated by the New Yorker in March.

Precisely, a campaign was allegedly orchestrated against UK-based charity Islamic Relief Worldwide (IRW), falsely linking the organization and its officials to the Muslim Brotherhood and violent extremists.

This move followed the UAE’s 2014 decision to place IRW, among other leading Muslim organizations, on its list of outlawed “terror” groups – a charge categorically denied by the IRW.

U.S. airstrikes turn tide against Al-Shabab in Somalia

Mogadishu (Caasimada Online) – In an intense encounter in Somalia, the U.S. military reportedly performed three new airstrikes, killing ten al-Shabab militants. 

As part of a “collective self-defense” measure, these airstrikes were implemented to support the Somali National Army, who were in active combat with al-Shabab forces. 

U.S. Africa Command, more commonly known as AFRICOM, stated that the strikes were executed at the behest of the Federal Government of Somalia.  

The conflict zone is identified as a remote area near the town of Afmadow in the Lower Juba region, approximately 105 kilometers (65 miles) north of Kismayo. 

US-Somalia collaboration  

In collaboration with the Somali National Army, AFRICOM’s initial evaluation indicates that these airstrikes eliminated ten al-Shabab terrorists. The report further clarifies that no civilians were affected in the process. 

“Specific details about the units involved and assets used will not be released to ensure operations security,” the AFRICOM statement read. 

However, it was affirmed that a comprehensive evaluation of the operation’s outcome would be conducted, and further details would be disseminated as appropriate.

This latest development amplifies the count of U.S. airstrikes in Somalia to 13 for the current year. 

The Somali government had previously reported three operations carried out by their forces, with support from “international partners” in the vicinity of Afmadow.  

As per the Ministry of Information, these operations successfully annihilated more than 40 militants. 

Liberation of Xagar 

Simultaneously, recent reports revealed the successful entry of Somali government troops, backed by the Jubaland regional security forces, into Xagar – a town in the Lower Juba region previously under the control of al-Shabab 

Xagar, situated 80 kilometers (50 miles) from Buale, the capital of Jubaland state, has been under the iron grip of al-Shabab for over 15 years. 

Buale is the regional capital of Middle Juba, the only region entirely controlled by al-Shabab.

Whether the troops intend to set up a regular base in Xagar or plan on progressing toward Buale remains to be determined.

Wasiirkii maaliyadda ee la ceyriyay oo soo hadlay: Waxaan ka tegayaa xafiiska anigoo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ay xalay saameysay magacaabistii iyo isku shaandheyntii uu sameeyay ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadlay.

Wasiirka oo qoraal dheer soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay, isaga oo soo dhaweeyay Biixi Iimaan Cige oo xilkan loo magacaabay.

Dr Cilmi ayaa sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay waxyaabaha u qabsoomay muddada uu joogay xafiiska, wuxuuna sheegay inuu wax badan ka qabtay barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda, sidoo kalena uu bixyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha dowladda dhexe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah”.

Si kastaba, xilka qaadista lagu sameeyay wasiir Cilmi ayaa loo sababeynayaa xiisaddii ka dhalatay shaqo joojintii uu laba maalin kahor ku sameeyay xisaabiyaha guud ee wasaaradda iyo agaasimaha guud ee dakhliga, walow uu markii dambe ka laabtay kadib cadaadis xoogan oo uga yimid xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa.

Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.

Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool  ah  ugu adeegno dadkeena.

Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle  u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah.

Maxaa ka jira in $5 Mliyan ay ku dhacday akoonka Wasiir Mukhtaar Roobow?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in akoon gaar ah oo uu leeyahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay ay ku dhacday lacag dhan illaa $5 milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa la sheegay in lagu shubay akoon uu wasiirka ku leeyahay Salaam Somali Bank, isla-markaana ay u dambeyso 42, sida lagu yiri warka la faafiyay.

Waxaa sidoo kale isla warkan lagu sheegay in $3 milyan oo kamid ah lacagtaas ay akoonka ku dhacday intii lagu jiray adeegga Xajka ee sanadkan, isla-markaana laga qaaday shirkadihii tartanka ku guuleystay, kadib heshiis ay la galeen wasiirka, waa sida lagu sheegay warka.

Haddaba maxaa ka jira in $5 Mliyan ay ku dhacday akoonka Wasiir Roobow?

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka sare ee Salaam Somali Bank ayaa waxaa looga hadlay arrintan, waxaana bangiga uu sheegay in gebi ahaan warkaasi uu yahay been abuur, laguna marin habaabinayo macaamiisha iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan ku aragnay Social Media-ha warar been abuur ah oo macaamiisheenna lagu marin habaabinaayo, laguna sheegaayo wax lagu tilmaamay inuu yahay xisaab bankiyeed ka furay Salaam Somali Bank, uuna si gaar ah u leeyahy wasiirka Diinta iyo Awqaafta DFS, laguna haayo lacag malaayiin dollar ah” ayaa lagu yiri qoraalka Salaam Somali Bank.

Bangiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in aysan jirin cid ogaan karta xogta bangigooda, gaar ahaan macaamiisha, isla-markaana si weyn loo xafiday, si u uusan u helin qo kale.

“Ma jirto cid leh awood eey ku arki karto xogta macaamiisha bangiga, sidaas daraadeed awood uma laha dad wax ku qora ama ka hadla baraha bulshada” ayaa mar kale lagu yiri.

Sidoo kale Salaam Somali Bank ayaa soo hadal qaaday lacagta shanta milyan ah ee la sheegay inay ku dhacday akoon uu wasiir Roobow ku leeyahay bangigooda, wuxuuna in arrintaas ku tilmaamay dayaacad, isla-markaana lagu beegsanayo wasiirka iyo bangigooda.

“Waa been warka dacaayadda ah ee sheegaya in koonto Salaam Somaali Bank ah, uuna si gaar ah u leeyahay wasiirka Diinta iyo Awqaafta DFS in ay 5M martay warkaas waa waxba kama jiraan, waana been abuur” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka bangiga kasoo baxay.

Waxaa kale oo lagu yiri “Qolooyinka raba inay been alifaan ha ka fiirsadaan cawaaqibta leedahay in magaca bangiga ay u isticmaalaan qurxinta beentooda”.

 

Xog: Ninka ay NISA xogtiisa bixisay ee keentay inuu Nuuraadiin Xaaji tago Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda sirdoonka Kenya ee NIS, Nuuradiin Xaaji, ayaa khamiistii la soo dhaafay socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Nuuradiin Xaaji ayaa caasimada Soomaaliya kulan la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale dhigiisa Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid ahaayeen iskaashiga xog isdhaafsiga labada sirdoon ee ku aadan ururka al-Shabaab iyo khataraha kale ee amni.

Ninka ay xogtiisa wadaageen sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya

Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, muwaadin u dhashay waddanka Kenya, oo udub dhexaad u ahaa saanad iyo qalab helista ururuka al-Shabaab ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Kenya.

Ninkaan ayaa sirdoonka Soomaaliya xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya kadib markii dekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay konteenar qalab ciidan siday bishii May ee sanadkaan, kaas oo sida naloo xaqiijiyay uu masuul ka ahaa ninkaan u dhashay Kenya.

Sirdoonka ayaa xilligaas sheegay in ay baaritaan gooni ah oo ay sameeyeen ku heleen xogta qalabka ku jiray konteenarka.

Ninkaan oo aan magaciisa naloo xaqiijin ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Mombasa ee waddanka Kenya. Sida lagu heshiiyay waxaa lagu maxkamadayn doonaa gudaha Kenya.

Dhanka kale sirdoonka Soomaaliya ayaa baaritaan ku wada shaqsiyaad kale oo loo maleynayo in ay ku lugleeyihiin alaabaha dibadda looga soo dhoofiyo ururka al-Shabaab.

Maxaa kale oo laga wada hadlay?

Iskaashi dhanka amniga ah, gaar ahaan dagaalka cusub ee lagula jiro al-Shabaab ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ay wadahadalka ka yeesheen labad masuul.

Is dhaafsiga xogta iyo sidoo kale ka warhaynta dadka isaga talaabaya xuduudaha labada waddan ee isku furan ayay sidoo kale diiradda saareen.

Ciidamada Kenya ee aan qaybta ka ahayn hawlgalka midowga Afrika ayaa horay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ugu heshiiyeen in ay qayb ka noqdaan wajiga labaad ee hawlgalka deegano badan looga xorayn doono al-Shabaab.

Daawo: DF oo ciidamadii ugu badnaa ka sagootisay MUQDISHO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo horleh ka sagootisay gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku biiraya dagaalka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad oo la filayo in dhowaan uu billowdo.

Ciidamadan oo wata hubkooda iyo gaadiidka dagaalka ayaa waxaa Muqdisho kula hadlay wasiirka gaashaangiggada Cabduqaadir Maxamed Nuur oo u jeediyay dadaaran culus.

Wasiirka ayaa u sheegay in ciidamadan laga rabo inay daacad ka noqdaan u adeegidda dadka iyo dalkooda, una istaagaan difaaca qarankooda.

Sidoo kale wuxuu u rajeeyay inay guul kasoo hooyaan meelaha la geynayo oo ay kula diriri doonaan Al-Shabaab.

“Inaad Khawaarij kasoo adkaataan iyo in Ilaahey SWT shahaadadiisa aad la kulantaan oo Qarankiina iyo dadkiina Soomaaliyeed quluubtooda saxiixa ugu weyn aad ku qortaan, aakhirana Janno aad ku aadaan” ayuu wasiirka kula dardaamay askarta ka baxdaay Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa idinka mamnuuc ah inaad dhabarka u jeedisaan Khawaarij”.

Dhanka kale wasiirka ayaa ciidamadan uga digay inay dayacaan hantida qaranka ee lagu aaminay, gaar ahaan hubka iyo gaadiidka la siiyay, si uusagn ugu gacan gelin Shabaab.

“Gaadiidkaas quruxda badan ee aad saaran tihiin waa hanti qaran suuragal ma’ahan dayacaadeeda iyo in hal habeen oo aad ishaada isku qabatay ay Khawaarij intay qaadato shacabkaas muslimiinta ah dib ugu dhibaateyso” ayuu mar kale yiri wasiirka difaaca.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay weli sii wadeyso dadaalkeeda, isla-markaana ay soo socdaan ciidamo kale oo ku biiraya dagaalka.

“Annaga waxaan u baahanahay guutooyin tiro badan oo walaalihiina ah oo isku dhiig tihiin oo go’aankan geesinimada leh ee aad wada qaadateen ayaa idinka daba imaan doonto” ayuu mar kale ku yiri khudbadda uu jeeiyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Wajiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadan doono waddamada dariska ah.

Daawo: dibad-bax ka dhacay MUQDISHO iyo arrin laga dalbaday Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta ciidan tababar ugu maqan dalka Eritera ayaa banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho, iyagoo codsanaya in wiilashoodii dib loogu soo celiyo.

Waalidiintaan waxay sheegeen in wiilasha ay raadinayaan tababar loo qaaday shan sano ka hor, “War Xasanow habeenkii lagu doortay waan kugu faraxnay, Allahaa alle ma yahay ma Farmaajoo kalaa nagu noqotay?” ayey tiri mid ka mid ah hooyoouinkii hadlay.

Sidoo kale waalidiintaan waxay sheegeen in dhibaato badan ay heysato dhalinyarada weli tababarka ugu maqan dalka Eritrea, “Hadii ay dhintaan oo dhibaatadaan ay sababsadaan adigey dushaada tahay, Farmaajo adiga ayuu nagu kaa wareejiyey,” ayey tiri Maamo kale.

Waalidiintaan oo isugu soo baxay isgoyska KM4 ee bartamaha Muqdisho ayaa sheegay inay hayaan xogta dhalinyaro isku dayday inay tababarka ka soo baxsadaan, kuwaas oo la qabtay kadibna wajahaya ciqaab adag.

“Gaajo daran ayaa meesha ku heysa, qaar ayaa indhaha iyo dhegaha belay, qaar waxaa la qabtay iyagoo naftooda la baxsanaya, Madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa in wiilasheena aad noo soo celiso,” ayey tiri mid ka mid ah hooyooyinkii hadlay.

Hooyooyinkaan qaar waxay sheegeen in shan sano aysan hurdo fiican ladin, maadaama ay ka maqan yihiin wiilashoodii, iyagoo cod dheer uga codsaday madaxweynaha in dhalinyarada uu ku soo celiyo dalkooda, kana soo saaro dhibaatada ay sheegeen inay ku heysato dalka Eritrea.

Banaanbaxaan intii uu socday ayey waalidiintaan la hadleen warbaahinta, waxayna cadeeyeen in ciidanka ay ku jiraan wiilashoodu la qaaday shan sano ka hor intii uu xukunka joogay Farmaajo.

Hadda waxay sheegeen inay waayeen xiriirkooda, isla markaana loo sheegay inay ku jiraan xaalad adag, xilli ciidankaas qaar dib loogu soo celiyey dalka, ayey imaaneysaa cabashadaan.

Markii la qaaday ciidankaas kadib, Eritrea dhowr jeer ayaa loo qaaday ciidan kale, kuwaas oo sii maqan bilo kooban, balse ugu yaraan kala bar ciidankii uu diray Farmaajo laguma soo celin dalka oo waxaa weli u socda tababar.

Hoos ka daawo banaanbaxa

Daawo: DF oo lagu eedeeyey sad-bursi iyo eex ka dhan ah ciidanka gobol gaar ah

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hoggaaminayey dagaal saacadii lasoo dhaafay ay ciidan macawiisley ah Al-Shabaab kula galeen gobolka Hiiraan, ayaa eedeyn culus u soo jeediyey dowladda Soomaaliya.

Cali Jeyte ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hal jiho ku sii gureyso ciidankii loo soo tababaray dalka, iyadoo shacabka Hiiraan ay dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in wax gurmad ama saanad ah aysan ka helin dowladda, isla markaana ciidamadii loo soo tababaray dalkaan ay ku sii gureyso jiho uusan wax dagaal ah ka socon.

Dagaalka uu hogaaminayey Cali Jeyte ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Booco, Baardheere iyo Beerayabaal, wuxuuna sheegay in cashir ay u dhigeen kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in gurmad ay ka heleen ciidan ka tirsan guudata 27-aad ee militeriga Soomaaliya.

“Wacdare ayaa ka dhacay dhulkii aan isku farasaarnay Al-Shabaab, muddo ayaan dagaalameynay waana ka awood badinay, waan amaanayaa ciidankii maanta ka guuleystay Khawaarijta,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta amniga shacabkaan iyo in cadowga ay ka xoreyso, balse hadda uu la yaaban yahay sida ay wax ku socdaan.

“Dadka sida macno darrada ah loo dilo, carruurta agoontoobeysa iyo hooyada asaayda loo saaray, waxay masuuliyadi ka saaran tahay dowladda, adduun iyo aakhiro waxaa la weydiinayaa dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jeyte.

Wuxuu la yaab ku tilmaamay sababta bariga gobolka Galgaduud loogu sii gurayo wixii ciidan loo soo tababaray dalka, “War Hiiraan ma weysan Soomaaliya aheyn?” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in reer Hiiraan ay u baahan yihiin ciidan tayo leh oo ka difaaci kara, kana xoreyn kara Al-Shabaab oo dagaal adag ay kula jiraan, “Waxay ila tahay dowladdii dhexe ee militeriga meeshii ay ku baaba’day oo sad-bursi ah ayey tani ka bilowday,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in xuquuqda ciidamada ay u siman yihiin gobollada iyo dadka Soomaaliyeed, “War xuquuqda kale ee dalku leeyahay waa loo siman yahay oo dadka Soomaaliyeed waa isku mid,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cali Jeyte wuxuu sheegay in sanad ka badan ay dagaalamayaan dadka reer miyiga ah ee Hiiraan ku nool, iyadoo aysan jirin cid siineysa gurmad, saanad, raashin ama daryeel caafimaad siineysa.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Siyaasiyiin shaaciyey inay 45 cisho doorasho uga qabanayaan JUBALAND

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ku bahoobay ‘Midowga Musharaxiinta Jubbaland’ oo ku shiray magaalada Nairobi ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen xaaladda maamulkaas iyo go’aano ay gaareen.

Kulankaan lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa lagu daah-furay isbaheysigaan cusub, waxaana isla fadhiga lagu doortay guddoomiyaha hoggaamin doona ‘Golaha Midowga Musharaxiinta Jubbaland’.

Dr. Cabsiweli Qaasin Gaabow oo mushariintaan ka mid ah ayaa loo doortay guddoomiyaha isbaheysigaan cusub, waxaana kulanka isugu yimid musharaxiin, siyaasiyiin kale iyo waxgarad dhamaantood ka soo jeeda Jubbaland.

Musharaxiintaan ayaa eedeymo culus kala dul dhacay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ku eedeeyey muddo kororsi sharci darro ah iyo in uusan dooneyn in doorasho dambe ay ka dhacdo deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale siyaasiyiintaan waxay Axmed Madoobe ku eedeeyeen in dagaalka Al-Shabaab uu si cad u hor taagan yahay, sida ay hadaka u dhigeen.

Siyaasiyiintaan ayaa mid mid ula hadlay warbaahinta, iyagoo shacabka reer Jubbaland ugu baaqay in 45 cisho gudahood ay u diyaar garoobaan doorasho ka dhacday Jubbaland tii ugu xalaalsaneed, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxay cadeeyeen in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo xafiiska joogay in ka badan 10 sano uusan xaq u yeela doonin in mar dambe uu isisoo sharaxo, iyagoo wacad ku maray in doorasho uu banaanka ka joogo ay Jubbaland ka qaba doonaan.

Siyaasiyiinta sameystay isbaheysigaan waxaa ka mid ah: Senator Cabdullahi Fartaag, Senator Iftiin Baasto, Cabdirashiid Janan, Maxamed Salaad Oomaar, Cabdi Dheere, Cabsiweli Qaasin oo guddoomiye ay u doorteen iyo xubno kale miisaan ku leh siyaasadda.

Hoos ka daawo

 

40 ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus iyo duqeymo xalay iyo maanta ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbasa Hoose.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku beegsatay deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka magaaladaas, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Howlgallada oo dhacay saddex jeer ayay dowladdu sheegtay in mid kamid ah ay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah xalay ilaa saakay uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afmadow.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ah ay si gaar u bartilmaameedsadeen goobo ay isku uruursaneen xoogaga kooxda Al-Shabaab, isla-markaana laga dilay illaa 40 xubnood.

“Howlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta isku soo uruursadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in howlgalladan lagu burburiyay saldhigyo ay kooxda ku laheyd halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan” ayay sii raacisay.

Dhanka kale ma jiro wax jawaab ah oo weli ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalaldaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli ay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka socdaan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland.

Daawo: R/W Xamza oo isku dhaandheyn ku sameeyey wasiiradiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa caawa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo sidoo kale soo magacaabay xubno cusub.

Isku shaandheyntaan ayaa saameysay wasaaradaha maaliyadda, shaqada iyo arrimaha bulshada, arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta.

Ugu horeyn Wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xilka laga qaaday, waxaana Maaliyadda Soomaaliya loo magacaabay Biixi Iimaan Cige oo ahaa wasiirkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo ah wasiir cusub ayaa loo magacaabay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, maadaama wasiirkii wasaaradaas loo wareejiyey wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Abuukar Jeylaani Sheekh ayaa loo magacaabay wasiiru dowlihii wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta.

Halka Saadaad Maxamed Nuur Caliyow loo magacaabay Wasiiru dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Wareegtadaan ayaa wasiirrada cusub lagu faray inay si deg deg ah ula wareegaan masuuliyadda loo igmaday, kadib markii la dhaariyo.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in go’aankaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka, isla markaana uu arkay in baahi badan loo qabo in la dardar geliyo shaqada xukuumadda.

Waa isku shaandheyntii ugu horeysay ee uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Xamza oo xafiiska joogay muddo hal sano ah, waxayna saameysay afar ka mid ah 25-ka wasaaradood.

Hoos ka daawo

 

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay arrintii ka dhacday BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa natiijo la’aan soo dhammaaday, kadib markii ay xildhibaanadu isku qabteen arrin la xiriirta ajendaha kulankooda.

Doodda ayaa ka dhalatay markii AY qaar kamid ah xubnaha golaha ka horyimaadeen ajendihii maanta oo ahaa la xisaabtanka xukuumadda, waxaana kulanka ku sugnaa wasiirka amniga gudaha, Maxamed Sheekh DoodishE, balse waa uu baaqday.

Xildhibaanada ka horyimid arrintan ayaa miiska soo saaray mooshin ay ku dalbanayaan in ajendaha lagu soo daro qodob kale oo ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka Golaha Shacabka, ayagoo dhaliil xoogan u jeediyay guddiga joogtada iyo guddoonka sare.

Dood dheer oo sababtay in kulanka uu istaago kadib ayaa waxaa mar kale cod la geliyay in mooshinka ajendaha wax ka beddalka dib loo dhigo ama isla maanta laga doodo, waxayna xildhibaanada u codeeyeen in kulanka dambe laga dhigo dooddan, si la’isugu soo laabto.

Haddaba sidee looga faceliyay buuQa hareeyay kulankii Golaha Shacabka?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ii isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan kuwa daawanayay doodda ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay buuqa hareeyay baarlamaanka.

Cali Maxamed Cali oo kamid ah dadka ka falcelyay ayaa yiri “Xildhibaano aan rabitaanka shacabka ku imaaan marka meel la’isugu keeno waa iska sidaaan camal”.

Cabduqaadir Barre ayaa sidoo kale isna yiri “Kuwaan xildhibaano maahan Wallaahi waa ciyaal weero”.

Mukhtaar Maxamed Nuur ayaa isna aragtidiisa uga falceliyay “Kuwo rabo iyo kuwo aan rabin lee miyaa?… sharci ma jiro”.

Hirsi Aid wuxuu dooddiisa kusoo koobay “Guddoonku waa dad jilicsan.”

Malyuun Cismaan ayaa iyaduna tiri “Kuwaan wa ciyaal suuq oo shaar xildhibaan loo soo xiray weeye”.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Diiriye Cabdi oo yiri  “Guddoomiye go’aan qaado oo kala dir baarlamaanka waxaan lama fiirsan karo waa ceeb adduunka ayaa nalaga daawanayaa”.

Fardowsa Gurey ayaa dhankeeda ku jawaabtay “Feer iyo fara laab dad wax iskuugu sheegayo ayagoo madax ah shacabkii xaa moodaa marka”.