Prof. Buubaa oo kashifay sir dadka ka qarsaneyd oo dagaalka Tukaraq ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan ay Soomaalidu ku wareersan tahay dagaalka ka taagan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Buubaa, ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan Shirkado Shisheeye oo uu sheegay inuu damac uga jiro Shidaalka ku jira Gobolka Sool.

Buubaa, oo u waramaayay warbaahinta magaalada Hargeysa ayaa yiri ‘’Dadku waxa ay arkaan keliya dagaalka Tukaraq, sheekadu wey ka weyn tahay dagaalka ee waxaa ololinaaya Shirkado shisheeye oo isku adeegsanaaya Puntland iyo Somaliland’’.

Waxa uu Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa sheegay in Shirkadahaasi ay adeegsanayaan maamulka Puntland oo uu sheegay inay dagaal cad kusoo qaaden ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Siyaasigu sheegay in ujeedka dagaalka uu yahay keliya qabsashada deegaanka Holhol oo ku yaalla Gobolka Sool, isla markaana uu ka buuxo shidaal, sida uu yiri.

Buubaa waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa ‘’Waxaa jira shirkado shisheeye badan oo Puntland ku khasbaaya inay qabsadaan deegaanka Tukaraq iyo Holhol si ay uga faa’iideystaan shidaalka ku jira’’

Waxa uu intaa kusii daray ‘’Puntland iyada ayey dhibeysaa haddii ay dooneyso in Somaliland ay uga xagliso Shirkado Shisheeye oo doonaaya inay isku layaan labada ciidan’’

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa uu cadeeyay in Tukaraq iyo guud ahaan Gobolka Sool ay hoostagto Somaliland waxa uuna sheegay inaan deegaankaasi looga hari doonin Puntland.

Dhinaca kale, waxa uu saaxiibada caalamka ugu baaqay inay hakiyaan colaada ku daadaneysa dhiiga shacabka ku dhaqan Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com