Farmaajo oo bidhaamiyay waxyaabaha ku khasbay isbedelka garsoorka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qiray in Somalia ay daashatay cadaalad darro baahsan oo uu sheegay inay cuuryaamisay sinaanta.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dhibaatooyinka dalka ka jira ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed waayihii u dambeeyey ay ka cabanayeen cadaalad darro baahsan, waxa uuna ta ku tilmaamay arrinta keliya ee caqabada ku ah shacabka.

Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in cadaaladu ay tahay qeyb kamid ah nolosha qof bani aadam ah, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in la helo isbedel dhanka Garsoorka ah.

Farmaajo waxa uu yiri ‘’Aasaaska nolosha waa inaan helnaa cadaalad iyo sinaan, dowladu wey ku khasban tahay inay raali galiso shacabkeeda’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxaa xaqiiqo ah in mudooyinkii la soo dhaafay ay dadkeenu ka hadlayeen cadaalad darro dhinac walba ah oo baahsan anagana waxan ku taameynay oo aan ku sameyneynay daraasad meesha uu dhibka ka taagan yahay’’

‘’Daraasadaas kadib waxaa noo soo baxday in aan sameyno dib u habeyn dhinaca garsoorka ah. waxa ayna ku dhacday sida aan ugu tallo galnay’’

Madaxweyne Farmaajo waxa uu cadeeyay in qorshaha hadda socdaa uu yahay in si dhaqsi ah lagu sameeyo Golaha adeega Garsoorka si cadaalada ay u noqoto garab Saddexaad oo la siman Golaha fulinta iyo sharcidejinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu dhankiisa ka ballanqaday inay ka dhabeyn doonaan riyooyinkooda ku aadan in xal loo helo cabashooyinka dhanka Garsoorka ah.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Farmaajo ayaa ku soo beegmaaya xilli wixii ka dambeeyey burburkii dalka  Shacabka Soomaaliyeed ay ka cabanayeen cadaalada darro ka jirta dhinaca garsoorka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com