Puntland oo caawa shaacisay kiisas cusub oo Covid-19 ah

Garowe (Caasimada Online)-Guddiga ka hor tagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee deegaanada maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyay kiisas cusub oo gudaha Puntland laga diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Warbixinta guddiga oo goor dhaw soo baxday ayaa lagu sheegay in cudurka Coronavirus  maanta laga helay afar qof, oo ka mid ahaa 10-qof oo baaritaan la marsiiyey.

Seddax kamid ah afartaas qof ee cudurka laga helay waa rag, halka qofka kalena uu yahay dumar, mana jiraan wax dhimasho ama bogsasho ah oo guddigan uu maanta diiwaan geliyey.

Sidoo kale warbixinta guddiga waxaa lagu sheegay in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Puntland ay gaartay 10 xaaladood, isla markaana aysan jirin cid u geeriyootay xanuunka  iyo cid ka bogsatay toona.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa galabta shaacisay in 46-kiis la diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sidoo kale shan qof ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda inay u geeriyootay cudurkaas.

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunka Corona ayaa gaartay 436-kiis, halka ay dhimashaduna gaartay 23 qof, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Lama oga in kiisaska cusub ee Puntland ay caawa shaacisay ay qeyb ka yihiin kuwii ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federal, maadaama aan warbixinta lagu xusin halka ay kala joogaan dadkaas.