Puntland oo soo saartay DIGNIIN culus oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya

Garoowe (Caasimadda Online) Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya, waxaana muuqata in Puntland ay digniin hordhigtay madaxda dowladda federaalka.

Cali Xasan Axmed (Sabareey) oo ah Wasiirka Wasaradda Warfaafinta ee Puntland ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada ay bilahii ugu dambeysay sare u qaaday faragalinta dhanka maamulkaoo ay ku heyso nidaamka ay ku shaqeeyaan, wuxuuna u sheegay iney horseedi karto dhibaato hor leh.

Wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ay dhawr jeer isku dayday iney wada-hadal la gasho dowladda Federaalka si loo dhameeyo mugdiga ku dhex jira, balse ay dowladda ku fashilantay.

“Dhibaato ayaa ku imaan karta dalka hadii aan la tixgelin dastuurka, madaxda dowladda waxaan usoo jeedinayaa iney maamulka Puntland ka dhaafaan faragalinta” ayuu yiri ali Sabareey.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli wareysi gaar ah oo ay TV-ga Universal ka qaadeen madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu dhawr jeer isku dayay inuu la fariisto Deni, balse madaxweynaha dhawaan la doortay uu ka caga-jiiday.