26.5 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog: Puntland oo Ethiopia ka iibineysa sir muhiim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bosaaso(Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya dhanka Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu wado dadaalo ay Ethiopia kula kaashanayaan la dagaalanka Daacishta Somalia ee ku dhuumaaleysaneysa magaalada Qandala iyo Galgala.

Wararku waxa ay sheegayaan in maamulka Puntland uu Ethiopia ka dalbaday in duqeymo ay ka fuliyaan magaalada Qandala si halkaasi loogu burburiyo Saldhigyada cusub ee Unugyada Daacishta Somalia ka dhisatay.

Ethiopia waxaa sidoo kale laga dalbaday in Puntland ay ku saacido Cutubyo ka tirsan Militerigooda si loo baacsado Daacishta kusii faafeysa deegaanka.

Dowlada Ethiopia oo heshay warqadaha dalabka kaga imaaday Puntland ayaan wali ka bixin wax jawaab ah, waxaana mar waliba la filan karaa diidmo ama ogolaansho, maadaama Ethiopia aysan jecleen in Somalia ay gaarto horumar dhanka amniga ah.

Puntland ayaa walaac gaar ah ka muujisay dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Daacishta Somalia, waxa uuna Madaxweynaha maamulkaasi ku dhawaaqay dagaal lala galo maleeshiyaadka fariisimaha qarsoon ka dhigtay Qandala.

Dowlada Somalia ayaan sidoo kale wali ka hadal duulaanka Daacishta Somalia, waxaana leys weydinayaa sababta ay uga aamusan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News