Puntland: Somaliland waxa ay dhallinyaradeeda ka jeceshahay Ethiopian-ka

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa shaaca ka qaaday in jiritaanka maamulka Somaliland uusan dan ugu jirin Umadda Soomaliyeed iyo xitaa dadka ku nool deegaanada maamulka, sida uu hadalka u dhigay

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay Soomaalida kale ka jeceshahay Ethiopianka iyo Oromada, halka ka garab istaagi laheyd Soomaalida.

Isagoo saxaafada la hadlaayay ayuu yiri ‘’Somaliland cidna dan uguma jirto maxaa yeelay inay la dhaqanto Soomaalida kale waxa ay ka jecelyihiin la dhaqanka Ethiopianka iyo Oromada’’

Waxa uu tilmaamay inay gaareen heer ay dhulkooda u diidaan dhalinyaro Tahriib ah oo laga keenay dalka Liibya, waxa uuna taa ku micneeyay inay kala doorbidayaan dhalinyarada Somaliland ee laga keenay Somaliland iyo kuwa ajaaniibta ah.

‘’Heer waxa ay gaareen inay diidaan dadkooda marka waxaan leeyahay jeclaada dadkiina oo ha jeclaanina kuwa Ethiopianka ah’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Puntland ay difaacan doonto Gobolka Sool, balse Somaliland laga doonayo inay u baqdo ciidankeeda oo aysan kusoo xadgudbin Gobolka.

Haddalka Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi, ayaa kusoo beegmaaya xili labada maamul ay hanjabaado isu marinayaan hawada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com