QARAX is-miidaamin ah oo ka dhacay BELEDWEYNE

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha magaaladaas.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa Xarunta Lama-galaay iyo Buundada Liiq-Liiqato, halkaas oo maalmihii dambe lagu qabanayey shirar looga hadlayey doorashada iyo kuwa xal loogu raadinayo khilaafaadka HirShabelle.

Sidoo kale xilliga uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa goobta ku sugnaa dad fara badan oo isug jiray masuuliyin, Odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo wariyeyaal.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad 10 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxan, halka ay ku dhawaacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuw amaanka oo xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli Beledweyne lagu wado in beri lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.