Qaraxyo miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo mas’uul ku dhaawacmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay miinada dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay gaari uu la socday mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda iyo ilaaladiisa, xilli ay marayeen isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan-ta, waxaana la socday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda, Cabdinaasir Xasan Cali, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen labo askari oo ilaalo u ahaa mas’uulkaasi, isaguna uu dhaawac ka soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan kuwa howlgala degmada Dharkenley ayaa goobta gaaray, kuwaas oo muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqyo isgoyska Xoosh ee degmadaasi.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Heliwaa ayaa sheegaya in qarax miino ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay agagaarka Ex-Control Balcad ee degmadaasi.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee konlonyada AMISOM soo gaaray marka laga reebo burburta gaariga uu qaraxu haleelay.

Qaraxyadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe falal liddi ku ah nabad gelyada ay dhacayeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.