Xasan Sheekh Maxamud oo baaq culus kasoo saaray xaaladda GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan dhismaha maamulkaasi ayaa baaq ka soo saaray is jiid jiidka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ugu horreyn wuxuu tilmaamay in aas-aaskii Galmudug iyo isu keenidii beelaha dega mamaulkaasi, laga soo maray wado dheer oo dhib badan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay isu tanaasul iyo midnimo, si loo dhiso maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Hadalka hoose ka akhriso qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Deegaannada iyo dadka ku abtirsada Dowlad-goboleedka Galmudug taariikh ahaan waxay dowr mug leh ku lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug.

Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan aad u badnaa. Kuwo magac ahaan u jiray iyo dhab ahaan u jirayba.

Dadka reer Galmudug wada xaajood dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in laga TANASULO oo la mideeyo maamulladii jiray xilligaas.

Maanta waxaan rajeynayaa in Galmudug aaney dib ugu noqon meeshii ay ka timid.
Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan FURSDAHA faraha badan ee ka jira degaannadooda.

Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka. Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn.

Guul iyo Nabad dhammaan degaannada iyo dadeynaha reer Galmudug.