Qoraalkii uu Farmaajo ugu gefay Aadan Cadde, beesha uu ka dhashay iyo beelo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu shalay barta twitter-ka soo dhigay ayuu madaxweyne Farmaajo ku amaanay kuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in hoolka Nelson Mandela ee xarunta Midowga Afrika lagu dhejiyey sawirka madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan.

“Waxaan si la mid ah dhammaanteen ku faraxsanahay inaan arko aabihii aas-aasay dalkeena oo lala meel dhigay aabeyaashii aas-aasayaasha iyo siyaasiyiinta weynaa, lana suro hoolka Nelson Mandela. Soomaaliya waxay xaqiiqdii calaamad joogto ah uga tagtay taariikhda Afrika, sidaas darteed, maqaamkeena weligiis waa la ilaalin doonaa,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hase yeeshee, qoralkaas lasoo dhigay twitter-ka, ma dabooli karo xaqiiqda waxa uu Farmaajo ka aaminsan yahay Aadan Cadde.

Buuggii uu Farmaajo qoray 2009 ee uu shahaada Master-ka uga qaatay Jaamacadda Buffalo, (U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror), waxa uu bogga 50-aad ku aflagaadeeyey Aadan Cadde, qabiilka uu kasoo jeedo ee Mudullood, iyo qabaa’ilo kale, sida Majeerteen iyo Isaaq.

Farmaajo waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in beelaha Mudullood, Isaaq iyo Majeerteen ay gumaastayaashii British-ka iyo Talyaaniga xilal uga heleen inay ahaayeen kuwa caawiya oo gacan siiya gumeystaha.

“Markii gumeystayaashii Yurub ay go’aansadeen inay ka tagaan mustacmaraddoodii Soomaaliya, waxay xilalka sare ee hoggaanka ku abaal-mariyeen qabaa’illadii ayaga ku dhowaa,” ayuu Farmaajo ku yiri buugiisa.

“Tusaale, dhinaca Waqooyi ee Somaliland, beesha Isaaq waxaa lagu abaal-mariyey dhammaan shaqooyinkii ugu wanaagsanaa.”

“Dhinaca Koonfurta, gumeystihii Talyaaniga, waxay sidaas oo kale u sameeyeen qabaa’illadii daacadda u ahaa. Majeerteen iyo Mudullood waxay Talyaaniga gacan siiyeen ayaga oo aan ka laba labeyn. Taas beddelkeed, waxay Talyaaniga iyo British-ka qabaa’iladan ka dhigeen kuwo ka sarreeyaa kuwa kale, marka ay noqoto hodantinimada, deeq waxbarasho oo caruurtooda ay ka helaan Rome iyo London iyo saameynta dowladaha mustaqbalka,” ayuu Farmaajo ku qoray buuggisa.

Farmaajo uguma simin Aadan Cabdulle inuu aflagaadeeyo beeshiisa Mudullood, ee wuxuu sidoo kale ku qaaday weerar shakhsi ah, isaga oo ku sheegay in xilka madaxweyne uu ku helay inuu ahaa “adeege Talyaani.” Wuxuu sidaas oo kale u weeraray madaxweyne Cabdirashiid.

“Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, ayaa tusaale weyn u ah arrintan [in gumeystaha abaal-mariyey kuwii daacadda u ahaa]. Waxa uu horey u ahaa shaqaale rayid ah oo ka tirsan Mudullood u ahaa Talyaaniga. Dhinaca kale, ra’iisul wasaarihiisa, oo Talyaaniga ay soo waxbareen Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuu ka yimid qabiil kale oo Talyaaniga ay jecel yihiin, oo ah Majeerteen,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka madaxweyne ayaa waxaa inuu raali-gelin ka bixiyo ka dalbaday siyaasaiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri:-

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu bogga 50-aad ee buugiisa qalin jebinta Masterka ku sheegay in Qabiilka Majeerteen iyo Mudullood ay ahaayeen kuwo Isticmaarka daacad u ah. Maadaama ay Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke (Allaha u naxariistee) ay labadaas qabiil ka tirsanaayeen uu Talyaanigana ku abaal mariyey xilka madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha. Su’aashu waxay tahay Maanta miyuu Aadan Cadde wadani noqday? mise shalay ayuu Madaxweyne Farmaajo khaldanaa? Sowse ma hoboona in uu ka cudur daarato, maadaama uu qabiillo iyo Shakhsiyaad magac iyo maqaam leh uu lafa gaartay.”

Halkan click sii di aad u wada aqrisato buugga Farmaajo.
Ama si gaar ah hoos uga arag bogga 50-aad.