Cabdirashiid Janan oo ka jawaabay dalabkii reer Mandhera ee ahaa inuu ka baxo magaaladooda

Beled-Xaawo (Caasimada Online)-Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay in uusan ku sugneyn magaalada Mandhera ee dalka Kenya, balse uu joogo magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Janan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayo ay dhinac ka joogaan magaalada Beled-Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamadii dowladda federaalka ay dhawaan geysay degmooyinka gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka Kenya markii uu doonana uu tagi doono xataa magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Janan ayaa carrabka ku adkeeyay in uusan hadda joogin meel ka tirsan Kenya ee uu ku suganyahay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo, sidoo kale waxa uu sheegay in uusan doonayn in dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ay madaxiisa iskula dhacaan, khilaafna uu ka dhex abuuro.

Ugu dambeyntii wasiir Janan waxa uu sheegay in haatan ay isku meel ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo saraakiil dhowr ah oo reer Jubbland ah, hadafkooduna uu yahay in ay soo ceshadaan gacan ku heynta degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo ee dowladdu kala wareegtay.

Hadalka wasiir Janan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta xildhibaanada dowladda dhexe ee Kenya ku matala iyo mas’uuliyiinta kale oo ka soo jeeda gobolka Mandhera ay ugu baaqeen madaxda dawladda Kenya in ay hubka ka dhigaan ama dalka laga saaro Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa.