Qorshe cusub oo halis ah oo Qatar ay ka damacsan tahay Soomaaliya oo laga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay khatar uu sheegay in Soomaaliya ay uga soo wajahantahay dowladda Qatar.

Dowladda Carbeed ee Qatar oo galaangal siyaasadeed oo aad u xoogan ku leh siyaadda Soomaaliya, gaar ahaan madaxda hadda talada heysa, ayuu sheegay Cabdiraxmaan C/Shakuur in ay badashay qorsheheedii hore, isla markaana ay 2020/21-ka doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan ay muruq iyo maalba ku soo saari doonto xubno gaar ah.

“Qatar waxay bedeshay qorshihii hore ee ay maalmaha ugu danbeeya ay doorashooyinka dalkeena ka dhaca boorso lacag ku keeni jirtay. Waxay haatan wadaa qorshe cusub, isla markaana duug ah oo ay ku doonayso in ay doorashooyinka 2020/21 ku taageerto mid ka mid ah madaxda Villa Somalia. Dawlad Goboleedkii taageerta qorshahaas waxay u fidanaysaa taageero dhaqaale oo toos, halka tii ka hortimaadana ay dagaal toos ah la gelayso”ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu siyaasigaasi shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee wanaaga ka raba dalkaan waxa uu ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan damaca dowladda Qatar.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta damaca ka leh loolanka doorashada 2020/21 in meel looga soo wada jeesto qaska iyo fara gelinta taban ee ay dawlada Qatar ka wado dalkeena”ayuu ku soo gaba-gabeeyay baaqiisa hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com