CUMAR FILISH oo dhowaan sameynaya isbadal ballaaran oo horey uga dhicin gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu qaado tallaabooyin ballaaran oo isbadal maamul ah.

Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in guddoomiye Cumar Filish, uu xilalka ka qaadi doono guddoomiyaasha degmooyinka, ku xigeenada iyo agaasimiyaasha gobalka Banaadir.

Xil ka qaadista ayaa laga yaabaa in aysan saameynin dhamaan masuuliyiinta boosaska aan soo xusnay balse waxaa la sheegay in dhowaan ay dhici doonto xil ka qaadis iyo magacaabis.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyay in arintaan ay tahay mid ay isla qaateen madaxda dowladda Soomaaliya waxaana laga bilaabi doonaa guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir.

Arrimahaan ayaa lagu micneeyay in shaqada gobalka ay u baahan tahay in lagu sameeyo isbadal ballaaran oo dhan walba ah.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in xil ka qaadistu magacaabista intuba aysan dhici doonin isku waqti balse socon doonto ilaa todobaadyo waxaana laga yaabaa in ay saameen ballaaran ku yeelato masuuliyiin culus oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com