Muqdisho (Caasimada Online) – Wali magaalada Muqdisho waxaa ku xayiran masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaas oo dano kala duwan u yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, halka qaarkoodna ay transit ku ahaayeen garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Caasimada Online, ayaa baaritaan ay samesaywaxay ku ogaatay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ku heyso masuuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, kuwaas oo doonayay in ay dib ugu laabtaan Kismaayo.
Dadka Muqdisho ku xayiran waxaa kamid ah Xeer-ilaaliyaha Maamulka Jubbaland Axamed Sheeq Cismaan Siciid, oo dhowaan shir uga qaybgalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Shirkaasi ayaa ahaa mid ka dhaxeeya Xeer-ilaaliyaasha Qaranka ee heer dowlad federaal iyo dowladda Dhexe, waxaana shir gudoominyay Xeer-ilaaliyaha Qaranka.
Waxaa sidoo kale Muqdisho ku xayiran guddoomiyaha degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe.
Shaqsiyaadka kale ee ku xayiran Muqdisho ayaa isugu jira, agaasimayaal wasaaradeed, agaasime waaxeedyo, guddoomiyaal degmo, Shaqaale ka tirsan Wasaraadaha Jubbaland iyo masuuliyiin kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay is hortaagtay bixitaanka dadkaan, waxaana qaarkood loogu hanjabay in ay la xiro doono hadii ay warbaahinta wareysi siiyaan, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dadka ku xayiran Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com