Qorshihii Abiy Ahmed ee Soomaaliya iyo Somaliland oo si rasmi ah u fashilmay

Nairobi (Caasimada Online) – Qorshihii uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku doonayey inuu ku dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Somaliland, kuna kulansiiyo labada madaxweyne ayaa fashilmay, waxaa sidaas weriyey wargeyska The East African.

Qorshaha booqashada Farmaajo ee Hargeysa, oo markii hore uu diiday madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa ka fal-celiyey Abiy Ahmed oo wafdi heer sare ah u diray Somaliland si mar kale looga dhaadhiciyo, hase yeeshee Hargeysa ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda.

“Booqashada Farmaajo ee Hargeysa waa riyo malameed, iyo howl-gal aan macquul ahayn. Dowladda Somaliland waxay u taagan tahay ilaalinta madax-banaanideeda iyo sharafteeda dhuleed,” waxaa sidaas yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liban Yuusuf Cabsiye.

Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baare ku takhusasay arrimaha Geeska Africa iyo Gacanka, horeyna ula shaqeeyey hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee ICG, ayaa sheegay in qorshaha Abiy Ahmed uu bilowgiiba qalad ku billowday.

“Maamulka Itoobiya aqoon buuxda kama haystaan xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana caddeyn u ah dhacdooyinkii toddobaadkii tagay. Labadan dhinac waqtigan ma yeelan karaan wada-hadallo toos ah, oo aanay dhexd-dhexaadin dhinac saddeexad, oo aan ahayn dalalka Geeska Africa,” ayuu yiri.

“Waxaan filaa inay soo geba-gebowday diblomaasiyaddii ra’iisul wasaare Abiy. Waxay sii hurineysaa xiisad. Addis waa inay dib u gurataa.”

Ma cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Abiy Ahmed, hase yeeshee kulan kale oo dhex mara Farmaajo iyo Muuse Biixi, kadib midkoodii koobnaa ee Addis-Ababa, ayaa u muuqda inuu ka dhici karo oo kaliya meel aan Hargeysa ahayn.