R/W Kheyre oo shaaciyey qorshaha xukuumadiisa uga degan cudurka Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada cudurka Coronavirus iyo sida looga gaashaaman karo.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in ay qaataan talooyinka caafimaad ee dhakhaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka dalka.

“Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa qaata waanada iyo wax sheega, kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka. Kuwaas ayaa ah kuwa inay haligmaan ka nabad galay, badqabka bulshada iyo Badbaadin tooduba, maanta waxay ku jirtaa kala maqnaanta mudada cudurku jiro.

“In aad eheladaada iyo asxaabtaada ka maqnaato oo booqan waydo xiligan adag waxay daliil cad u tahay damiirka qofka ee aan dadkiisa dhib la jeclayn”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa cadeeyay in guddiga Qaran ee ka hor tagga cudurka COVID-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, ganacsatada iyo bulshada rayidka ay kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa, dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Sidoo kale waxa uu sheegay Khayre in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito xanuunka Corona, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isku baaro.

Dowladda ayuu sheegay in ay ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Bangiga Adduunka ayuu sheegay Kheyre in dowladda Soomaaliya uu ka ogolaaday in uu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si buu yiri loola dagaalamo cudurkan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakuleynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykanka ayuu sheegay in ay ka codsadeen sidii Bangiyada iyo Xawaaladaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududeyn lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda, ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoog leh oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, isla markaana ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee ka dhasha cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale Ganacsatada faray in ay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto, halka dhakhaatiirtana uu ku bogaadiyey in la joogo xilligii loo baahnaa.

 Halkan ka Daawo Khudbadda Ra’iisul Wasaare Kheyre