R/W ROOBLE oo shaaciyey abaal uu LAFTA-GAREEN ‘u galay’ hal sano iyo bar kahor

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey munaasabadda Sannad-guurada 3-aad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka sheegay in Lafta-gareen uu abaal u galay hal sano iyo bar ka hor.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Lafta-gareen uu gacan weyn ka geystay fududeynta mashruuc ku kacaya 10 Milyan oo xiligaas uu Rooble ka bilaabi rabay magaalada Baydhabo, kaasi oo loogu sameynayay waddooyin casri ah.

“Aniga ka shaqsi ahaan Ra’iisul Wasaare ahaan abaal aan lasoo koobi karin ayaa u hayaa madaxweyne Lafta-gareen, muddo hadda laga joogo hal sano iyo bar oo magaalada Baydhabo aan ka shaqeynayay oo caqabad adag iga qabsatay in aan ka fuliyo mashruuc waddooyin 20M oo magaalada gudaheeda ahaa oo qiimaha ku baxayayna ahaa 10 Milyan la ii diiday in aan bilaabo, madaxweyne Cabdicasiis ayaa la soo xiriiray oo ii fudeydiyay,” ayuu yiri.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Lafta-gareen uu wax badan u qabtay maamulka Koonfur Galbeed, haddii ay noqoto siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay.

Waxa uu Lafta-gareen ku amaanay odaytinimada iyo nabaddoonimada, xilli uu kaalmaha hore uu kaga jiro musuq-maasuqa ka taagan doorashada dalka, islamarkaana uu maamulkiisa uu yahay midka labaad ee kuraasta lagu boobay.

“Tan iyo markii la ii magacaabay in dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare, waxa aan si dhow u wada shaqeynay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaa ka bartay in aanu aheyn kaliya nin siyaasi, balse uu yahay nabadoon jecel in uu dadka isku soo dhaweeyo si dalka uu horey ugu socdo, waa ku aamanayaa, waanan ku dhiiri-galinayaa inuu sii wado dadaalkiisa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in laga wada-shaqeeyo dardar-gelinta doorashada oo xiligan ay ka taagan tahay dood adag, kadib markii mucaaridka ay qaadaceen doorashada Golaha Shacabka oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan boob.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii