Daawo: Taliyaha Ciidamada Badda oo shaaca ka qaaday ‘dhul boob uu wado’ Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo dhulkii ciidamada badda, isla markaana uu si shakhsi ah guri uga dhisanayo.

Waxa uu sheegay in nasiib darro iyo dhabar jab weyn ay ku noqtay in hantidii ma guurtada aheyd ee ciidanka badda ay boobayaan madax uu hor ka cayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, isagoo wacad ku maray in arrintaas aysan ogolaa doonin.

“Waxaa dhulkii ciidanka badda Soomaaliyeed si boob ah ku dhisanaya madaxdii qaranka ugu sareysay oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waa ayaan darro in la hunguriyeeyo hantidii ma guurtada ah ee ciidanka xoogga dalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya.

Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda qaranka ay u sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble aysan ka aqbali doonin in hantidii umadda oo ay u dhaarteen la boobo.

“Marqaati kama noqa doono, mana qaadan doono, boobka socda, in la isugu caga-jugleeyo xilkaa lagaa qaadayaa kuma aamuseyno, hadaan hadda ka tegeyno xilka, waxaan u dhaaranay inaan ilaalino hantida umadda, kana been sheegi meyno taas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan marqaati ka noqon doonin oo isha aysan ka fiirsa doonin, iyadoo la boobayo dhulkii ciidanka badda oo sida uu sheegay ay dhawaan qorsheynayeen inay xafiisyo ka dhistaan.

“Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya anigaa masuul ka ah, marqaatina kama noqon doono in dusheyda wax lagu boobo, mana yeeli doono taas, cagajugleyn ma qaadaneyno, xilku waa meerto, laakiin inta aan joogo, lagama yaabo in lagu soo xadgudbo dhulkaan oo hantida shacabka la boobo,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Hoos ka daawo