Rooble oo war kasoo saaray WEERARKII lagu qaaday guddoomiye Dhabancad

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa war ka soo saaray weerarradii galabta lagu qaaday guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacab, xilli uu doonayey inuu dhaariyo 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu  ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa digniin u diray taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda, isagoo uga digay  in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka codsaday in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

“Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay  sida geesinimada leh ee guddoonka  KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.”

Ugu dambeyntii qoraalkaan waxaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.”