Xog: Xubno ka tirsan NISA ‘oo dili rabay’ guddoomiye Dhabancad oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la qabtay askar sida la sheegay dooneysay inay dilaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu caawa ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidankaas waxay ka tirsan yihiin NISA, waxaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.

Dhaarinta xildhibaanadaan waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.

Weerarka kadib waxaa la sheegay inay goobta tageen Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Taliyaha saldhigga booliska ee garoonka Aadan Cadde Cabdifitaax, halkaas oo laga soo kaxeeyey guddoomiye Dhabancad iyo masuuliyiintii kale ee golaha shacabka.

Waxaa caawa aad baraha bulshada loogu baahiyey muuqaallada ragii la qabtay oo indhaha ka xiran, waxaana la sheegay in lagu wareejiyey ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo xabsiga u taxaabay.

Guddoomiye Dhabancad oo warbaahinta la hadlay dhaarinta xildhibaanada iyo weerarkaas kadib wuxuu sheegay in galabta goobo badan uu ka hor istaagay taliska booliska Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyntiina lagu weeraray Hotel gaar loo leeyahay oo ay xildhibaanada ku dhaarinayeen.

Sidoo kale guddoomiye Dhabancad ayaa wacad ku maray in weerarrada iyo jid gooyada loo dhigayo aysan cabsi geli doonin oo doorashooyinka dalka ay deg deg u dhameystiri doonaan, si maalmaha soo socda uu dalku u yeesho baarlamaan rasmi ah.