SACIID DENI: Doorashada Jubaland waa mid xalaal ah

Kismaayo (Caasimadda Online) Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah.

Ugu horeyn Madaxweyne Deni oo ka hadlayey Doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo ee dib loogu soo doortay Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu si dhow ula socday Doorashadaas.

Wuxuu sheegay in Doorashadii Kismaayo ka dhacday ay aheyd mid xalaal ah oo loo maray wadada Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo midka Maamulka Jubbaland.

“Wixii halkaan ka dhacay si dhow baan ula soconay, waa doorasho hufan oo xalaal ah, oo runtii haboon in laga soo qeybgalo caleema saarka” ayuu yiri Deni.

Wuxuu ugu baaqay dadka aan ku qanacsaneyn doorashada Jubbaland in laga wada hadlo doorashadii dhacday lagana heshiiyo.

Wuxuu xubnaha mucaaradka iyo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya isla markaasna wax walba wada hadal lagu dhameeyo.

Mar uu soo hadal qaaday doorashada 2021 ayuu sheegay inay Puntland tahay hooyada Ummadda Soomaaliyeed iyadana ay tahay in lagala tashto doorashada dalka ka dhaceyso.

Wuxuu sheegay inay Puntland dhar sano sheegeysay inay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah marka dambana la qaban jiray mid Baarlamaan sidaas darteed wuxuu xusay inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyntii madaxdii hore ee dalka soo maray ayuu uga mahad celiyey heerarkii kala duwaan oo ay dalka kasoo bixiyeen, wuxuuna si gaar ah ugu amaanay Shiikh Shariif Shiikh Axmed inuu dalka kasoo saaray marxaladdii kumeel gaarka aheyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com