SACUUDIGA oo daldalaya saddex wadaad oo caan ah

Riyadh (Caasimadda Online) – Seddex Culumo oo dhex dhexaad ah isla markaasna Sunni ah ayaa la filayaa inay Dowladda Sacuudiga daldalaad ku sameyso kadib markii ay dhawr jeer maxkamad kasoo muuqdeyn iyagoo lagu eedeynayo inay argagixiso yihiin.

Culimadaan seddexda ayaa waxay qorsheeneysaa Sacuudiga inay daldalaad ku sameyso marka ay dhamaato Bisha Barakeysan ee Ramadan sida ay ku warameyn illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ay kamid yihiin qaraabada mid kamid ah Culimada dilka ku xukuman sida ay qortay Middle East Eye.

Culimada la daldali rabo waxaa kamid ah Sheikh Salman Al-Odah oo ah Shiikh si weyn aragtiyadiisa Diiniga ah looga yaqaan adduunka oo dhan.

Shiikh Odaah ayaa  la xiray Bishii September ee Sanadkii 2017 markaas oo uu Twitterkiisa kusoo qoray duco aheyd inuu Alle  isfaham iyo isku soo dhawaansho dhex dhigo Isbaheysiga ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka iyo Dowladda Qatar oo la go’doomiyey.

Sidoo kale labada wadaad ee lala daldali rabo ayaa kala ah Awad Al-Qarni oo ah Wadaad Sunni ah isla markaasna ah Qoraal wax badan soo bartay iyo Ali Al-Omari oo ah Wariye Caan ah, waxaana labadaan la xiray September 2017.

Seddexda wadaad ee la daldali rabo ayaa macaamiil fiican ku leh baraha Bushada, Barta Twitterka ee Carabiga ee uu leeyahay Odah ayaa wuxuu leeyahay Macaamiil gaarayo illaa 13.4 Million, sidoo kale taageeayashiisa ayaa sameeyey Hashtag saameyn leh oo lagu qoray #freesalmanalodah oo la sameeyey markii la xiray kadib.

Sidoo kale TV-ga Dhallinyarada loogu talagalay oo uu leeyahay Odah ayaa leh macaamiil aad u badan, waana arrinta cabsida ku abuurtay Sacuudiga oo ka cabsaneysa inuu ku kiciyo kacwoon ka dhaco dalkaas.

Laba Sarkaal oo ka tirsan Dowladda Sacuudiga ayaa si kala gooni gooni ah u xaqiijiyey in seddexdaan wadaad ee la toogan rabo dhawaan ay sugayeen inay kasoo muuqdaan maxkamadda Dambiyada ee Riyadh, waxaana dhageysiga dacwadaas loo ballansanaa 1-dii Bishaan May balse dib ayey u dhacday iyadoo aan waqti kale loo qaban.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku caan baxday inay si hoose u daldasho ama u toogato dadka kasoo horjeedo oo ay is leedahay kacdoon ayey kugu kicin karaan, waxayna ku aasaan meel aan la garaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
Caasimada@live.com