Saddex arrin midkood oo laga yaabo inuu wajaho Al-Bashiir kadib iscasilaadiisa

Khartoum (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa si rasmi ah isu casilay kaddib banaanbax shan habeen oo xiriir ah ka socday Iridda Madaxtooyada dalkaas iyo mid guud oo dalkaas ka socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Ka hor inta uusan is casilin, dadweynaha oo ku sugan xarunta Milatariga Suudaan.

Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu hayaa Xabsi Guri ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka dalka Suudaan.

Waxaa kale oo la xiray Raiisul Wasaaraha dalkaas Bakri Axmed Saalax iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Dhaha iyo xubno kale.

Milatariga ayaa magacaabay Gole kooban oo dalka sii maamulaya, waxaana hoggaamiye looga dhigay Cawad Ibnu Cowd.

Dadka Reer Suudaan ayaa buuxiyay Waddooyinka Khartuum.

Milatariga Suudaan ayaa saaka waxaa ay la wareegeen TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda, waxaana ay joojiyeen dhamaan Barnaamijyadii maalin laha ahaa iyaga oo ku beddelay Muusigga Heesaha Ciidanka.

Dadka Suudaan oo aad u faraxsan ayaa saaka ku damaashaadaya Waddooyinka Waaweyn ee Khartuum oo bilihii la soo dhaafay ay ku banaanbaxayeen.

Dadka Reer Suudaan oo ku faraxsan is casilaadda Al-Bashiir.

Madaxweynaha Suudaan ayaa talada dalkaas la wareegay sanadkii 1986dii,waxaana dalkaasi bilihii la soo dhaafay ka dhacayay dibadbaxyo ka dhashay Cuntada oo sare u kacday.

3 Waxyaabood oo laga yaabo inuu Wajaho Al-Bashiir

Madaxweynaha Is casilay ee Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa ku jiro xaalad siyaasadeed oo mugdi ah, maadaama uu yahay Madaxweyne laga doonayo inuu hor tago Maxkamadda Adduunka.

Madaxweynaha Suudaan ayaa laga yaabo inuu wajaho seddexdaan arrimood midkood:

    • Inuu ku jiro Xabsi guri inta ka dhiman Noloshiisa, waana xaaladda uu hadda ku jiro oo ah inuu ku xabisan yahay guriga uu ka dagan yahay Khartuum.
    • In la dajiyo meel gaar ah oo laga dhigo Madaxweyne muddo badan wadanka soo hayey, taasoo ah mid ay aad u yar tahay inay dhacdo maadaama uu leeyahay Cadow farabadan oo gudaha iyo Debadda ah.
    • In loo gudbiyo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee fadhigeedu yahay magalaada Hague ee wadanka Holand, maadama dhawr jeer uu fashilmay isku day la doonayey in halkaas lagu geeyo, waxaana ugu dambeysay markii la rabay in laga afduubto dalka Koonfur Africa oo uu uga qeybgalayey Shir.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum 
Caasimada@live.com