Xog laga helay qaab awood ku saleysan oo Al-Bashiir loogu qasbay inuu is casilo

Khartoum (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar AL-Bashiir ayaa ka dagay xilka Madaxweynimo ee dalka Suudaan.

Telefishinka Al-Jazeera qeybta Carabiga ayaa soo daabacday warbixin ku saabsan qaabka xilka looga dajiyey Madaxweynihii hore ee Al-Bashiir.

Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada dalka Suudaan ayaa gudaha u galay Qasriga uu Al-Bashir ka dagan yahay Khartuum, waxaana loo sheegay inuu is casilo.

Al-Bashiir ayaa diiday inuu xilka iska casilo balse waxaa loo sheegtay awood iyadoo ugu dambeyn lagu qasbay saxiixa inuu ka dagay xilka.

Hogaanada Ciidamada ayaa si wadajir ah u amray in Al-Bashiir la geliyo Xabsi guri isla markaasna uusan helin meel uu hadal ugu jeediyo Shacabka Suudaan iyo Adduunyada qeybaheeda kala duwan.

Meesha Xabsi guriga lagu geliyey Al-Bashiir ayaa waxaa lagu hareereeyey ciidamo badan oo si gaar ah u tababaran kuwaas oo amar lagu siiyey inaan cidna loo ogolaan inay u gudubto qolka uu ku xiran yahay Al-Bashiir oo laga ilaaliyey Taleefoon iyo aalad kasta oo u sahli karto inuu hadlo.

Al-Bashiir ayaa u muuqday inuu yahay hoggaamiye oday ah oo laga adkaaday kadib 30 sano oo uu dalka Suudaan xukumayey.

Al-Bashiir ayaa muddo 3 bil ah iska dhaga tirayey dalabka Shacabka Suudaan oo ahaa inuu Al-Bashiir isaga dago xilka Madaxweynimo ee dalka Suudaan isla markaasna uu ogolaado doorasho madax banaan.

Qaar ka mid ah milatariga dalka Suudaan ayaa hawlgallo ka fuliyay xafiisyada Khartuum ay ku leeyihiin koox lala xiriiriyay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir, kuwaas oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Al Mu’tamar Al Wadan, sida ay dad goobjoogeyaal ah u sheegeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters.

Ciidammada ayaa galay xafiisyada Dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta oo ah oo ah aasaaska xisbiga talada haya.