Saddex sabab oo uu salka ku hayo mooshinka laga gudbiyey Farmaajo (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya mooshinka ka dhanka Madaxweyne Farmaajo ee uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal.

Dadka falaanqeeya siyaasadda ayaa intooda badan waxa ay soo bandhigeen sadex sababood oo ka danbeeya mooshinkan.

1 – Dowlado shisheeye oo u ciil cunay dowladda Nabad iyo Nolol, iyadoona mooshinkan uu yimid kaddib 24 saac markii Guddoomiyaha Baarlamaanku uu shirar albaabadu u xiran yihiin la kala qaatay Safiirada Sucuudiga iyo UK ee ku sugan Muqidsho.

Sucuudiga ayaan la dhacsanayn siyaasada arrimaha dibadda Soomaaliya ee u janjeerta Qatar iyo Turkiga, halka Safiirka Ingiriiska uu ka shaqeynayey sidii shirkado dalkiisa ah loogu wareejin lahaa baaritaanka shidaalka Soomaaliya, arrinkas oo ay dowladdu ka madax adeygtay maadama shirkadaha ingiriiska ay saami aad u hooseeya ku doonayaan qodista shidaalka Soomaaliya.

2 – Mooshinkan waa farriin iyo hanjabaad shisheeye oo loo diray Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa, kaddib markii ay ka dhaga adeygtay qorshaha lagu doonayo in Mukhtaar Roobow uu qabto xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed, arrinkan oo ay ka soo horjeesteen Farmaajo iyo Khayre, iyadoona dowladda Ingiriisku ay ku adkaysatay musharaxnimadiisa, lana aaminsan yahay in lacagta uu isku sharaxay ay bixinayaan dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga.

3 – Wasiiradii hore ee uu casilay Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre bilihii la soo dhaafay ayaa hor boodaya mooshinka sida ka muuqata sawirada kulanka lala qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, arrinkaas oo muujinaya in uu jiro isbahaysi u dhexeeya xildhibaanadii mucaaradka ah iyo kuwo xilal doon ah, waxaana macquul ah in tirada xildhibaanada moshinka keenay ay aad u yaraadaan haddii la meeleeyo, kaddib makii ay Villa Somalia bilowdo dadaalo dab damis ah oo lagu soo afmeerayo mooshinkan.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com