Safaaradda Mareykanka ee Tunisia oo lala beegsaday qarax is-miidaamin ah

Tunis (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka ee magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in nin ku socdau mooto uu isku hor qarxiyey dibedda safaaradda, islmarkaana argagax iyo kala carar uu sababay.

Booliiska ayaa sheegay in qofka weerarka soo qaaday oo is-miidaamiye ahaa uu beegsanayey safaaradda oo ku taalla degmada Berges du Lac.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay rasaas ku fureen ninka ka hor inta aanu is-qarixin.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter ku tiri “Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ayaa ka jawaabaya qarax ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka ee Tunis. Fadlan ka dheeraada agagaarka safaaradda.”

Muuqaallo lagu baahiyey warbaahinta gudaha ayaa muujinaya baabuur taalla waddada safaaradda oo burbur uu gaaray.

Raadiyaha Mosaique FM ee Tunis ayaa sheegay in shan sarkaal oo boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Naga filo wixii kusoo kordha dhowaan Insha Allah.