Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya oo dar daaran uga tagay dadka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xaflad lagu sagootinaayay safiirkii hore ee dowladda Turkiga u joogay Soomaaliya, Kamaalu diin Toraam.

Xafladda oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu ammaanay doorkii uu safiirka ka qaatay arrimaha Soomaaliya tan iyo markii loo soo magacaabay sannadkii 2011-ka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa goobta ka sheegay in Turkiga uu lafdhabar u ahaa horrumarka dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in danjirihii horre ee Turkiga uu qabtay arrimo badan oo la mahdin karo oo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Kamaalu-diin Toram ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay muddada uu ka shaqeenaayay Soomaaliya isagoona sheegay in booqashadii uu ku yimid Muqdisho ra’iisal wasaaraha Turkiga ay sabab u noqotay in hoggaamiyaasha caalamka ay ku dhiiradaan in ay soo booqdaan caasimada Soomaaliya oo ka mid ahayd meelaha ugu khatarta badan caalamka.

Wuxuu kaloo sheegay Kamaamul-diin in haddii xittaa waqtigiisa ay dhammaatay in uu sii ahaan doono qof ka shaqeeya hormarka Soomaaliya, isagoona ballan qaaday marka uu ku laabto Ankara in uu noqon doono safiir Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga oo si weyn galaangal ugu yeelatay arrimaha Soomaaliya sannadkii 2011-ka ayaa door weyn ka qaadatay badbaadinta kumanaan qof oo abaaro ay ku dhufteen kuwaasoo ka soo hayaamay koonfurta iyo bartamaha dalka, tii oo ay jirto in dalka ay ka hirgaliyeen mashaariic fara badan.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com