XOG: FAARAX Cabduqaadir iyo Ceydiid Ilka-Xanaf oo ay ka tafatay, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya khilaaf cusub oo ka dhex hol cay wasiirka caddaaladda xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub?

Khilaafka ayaa billowday markii baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen guddiga addeega garsoorka, balse arrintaas waxaa sharci darro ku tilmaamay guddoomiyaha maxkamadda sarre ee dalka, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay faraglin lagu sameeyay dastuurka dalka sidda uu hadalka u dhigay.

Isagoo u warramayay VOA-da ayaa la weydiiyay wax yaabaha ay isku khilaafeen ama ay isku raaceen wasiirka caddaaladda, wuxuu sheegay in wax yaabaha la isku heesto ay ka mid yihiin faragalinta hey’addaha garsoorka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa tilmaamay in golaha wasiiradda ay soo magacaabi karaan seddax xubnood oo ka tirsan golaha addeegga garsoorka lixda kalena ay soo magacaabi karto maxkamadda sare.

Wuxuu kaloo sheegay in wasiirka caddaalada iyo arrimaha fedaraalka uusan shaqo ku lahayn guddiga adeegga garsoorka isagoona intaas ku daray in guddigan oo horrey u dhisnaa uu ka madax bannaan yahay golaha wasiiradda.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan wasaaradda cadaallada iyo arrimaha fedaraaalka xukuumadda ay baarlamaanka hor geysay golaha adeegga garsoorka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com