Jaamacad ku taalla Muqdisho oo soo iibsatay meydad Kenyan ah, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa heshiis la gashay Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, iyagoona loo oggolaaday in la siiyo meydad ay ku bartaan ardayda jaamacadda ee barta caafimaadka gaar ahaan qalliinka.

Dr. Cismaan Barre waa madaxa qeybta caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya, wuxuu BBC-da u sheegay in loo oggolaaday in la siiyo shan meyd oo ay ku tababbartaan ardayda wax ka barta Jaamacadooda maadama loo baahan yahay in si tijaabo ay ugu bartaan jirka qofka.

“Dhaqankeena Islaamka ayaa noo diidday in qof meyd ah la dhigo meel iyadoo siddaas ay jirto ayaa waxaa noo suura gashay in aan heshiis la galno Jaamacadda Kenyatta taasoo na soo siisay shan meyd oo ay ku tababbartaan ardaday Jaamacadda” ayuu yiri Dr. Cismaan Barre.

Wuxuu sheegay oo kale in muddo sannad ah ay ku qaadatay siddii ayu u heli lahaayeen meydad lagu tababarto isagoona intaas ku daray in waddamo ay ka mid tahay Nigeria xitta ay tageen balse ay soo waayeen.

Dr. Cismaan Barre ayaa ugu dambeyn sheegay in meydadka shanta ah ee ay ka soo qaateen Jaamacadda Kenyatta in laga dajin doono magaalada Muqdisho lana geyn doono Jaamacadda Soomaaliya si ay Practical ugu sameeyaan qalliin ardayda Jaamacadda.

Waa markii ugu horreysay oo Jaamacad ku taalla Muqdisho ay heshiis la gasho Jaamacadda Kenyatta oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn bariga Afrika si loo siiyo meydad ay ku tababbartaan ardayda baraneysa qalliinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com