DIL nooc cusub oo ka dhacay XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa haweenay ku dilay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa, kadib markii ay ugu tageen goob ay qudaar ku iibin jirtya.

Haweenayda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shamso Warsame waxaana la sheegayaa inay qudaarta ay ku iibin jirtay Xaafada Suuqa Xoolaha qeybta Yaaqshiid.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in markii ay haweenayda ugu tageen goobteeda ganacsiga ay ku dileen goobta ayna la dhaceen rasaas iyagoo ku hubeysnaa bastoolado.

Wararka aan helayno oo ay noo sheegeen ehelkeeda ayaa sheegaya in haweenayda ay aheyd qof da’ah oo ifka kaga tagtay ku dhawaad 8 caruur ah.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, iyadoo ciidamada dowlada aysan u suurto gelin inay gacanta kusoo dhigeen dhagar qabayaashaasi.

Qaar kamid ah ehelka haweenaydaan la dilay ayaa inoo xaqiijiyay dilka loo geystay Shamso Warsame oo qudaar iibin jirtay. Waa markii ugu horeysay oo dil noocaan ah uu Muqdisho ka dhaco, oo haweenka qudaarta iibiya la beegsado

Dhanka kale askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com