Qarax ay ku baa ba’een maleeshiyada Raaskamboni oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Qarax xoogan, oo nooca dhulka lagu aaso ee laga hago aalada remote control-ka, ayaa lala eegtay gaari gaashaaman, oo ay wateen maleeshiyada Raaskambooni ee Kismaayo ku sugan.

Inta la xaqiijiyay 4 askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka shan kale ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Ciidanka ku dhaawacmay weerarkan miino, ayaa lagu dabiibayaa Isbitaaladda ku yaal magaaladda Kismaayo, oo iminka fariisin u ah maamulka KMG ee Jubba.

Ilaa hadda ma jirto, cid si rasmi ah u sheegatay, inay iyadu weerarkaa ka dambeysay, tiro shacab oo aan la shaacinna weerarka dhaawacyo ayaa kasoo gaarey, inkastoo dhaawacyadoodu ay iska fudud yihiin.

Shalay ayay aheyd, markii sarkaal ka tirsanaa Raaskambooniyiinta, lagu dilay magaaladda Kismaayo, kadib markii loogu tegey hoygiisa oo ku yaal bartamaha magaaladda.

Amniga Kismaayo, ayaa u muuqanaya mid faraha kasii baxaya, mana jiraan ilaa hadda hadalo ka imaanaya dhanka maamulka KMG ee Jubba ee magaalada haysta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com