Sanbaloolshe oo war cusub kasoo saaray xiisada Hiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa si faah faahsan uga hadlay wada-hadalladii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in haatan xal laga gaaray arrinta ciidamadii gadooday ee dhowaan qabsaday magaaladaasi, balse wuxuu tilmaamay in weli halkeedii ay tahay tabashada laga qabo HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wada-hadalladan lagu baajiyey in dhiig lagu daadiyo degmada Beledweyne, kadib markii ay gudaha u soo galeen ciidamadii gadoodsan.

“Wada-hadalka waxaa lagu baajiyay in dhiig lagu daadiyo Baladweyne, duubabka dhaqanka ayaa guul weyn ka gaaray in la xaliyo xiisadda, arrinta Hir-Shabeelle waa gooni balse marka ugu horreysa waa in dadka reer Beledweyne xaliyaan dareenka ka dhex jira” ayuu yiri Cabdullaahi Sanbaloolshe oo haatan ku sugan gudaha magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale wuxuu Sanbaloolshe hoosta ka xariiqay in Beledweyne ay u tageen safarka Cali Guudlaawe iyo in la xaliyo tabashada reer Hiiraan, balse ay arrintu sii adkaatay, kadib markiiuu xoogeystay is jiid-jiidka u dhexeeya dhinacyada diidan dhismaha HirShabelle.

“Meeshaan wada-hadal ayaan u imaanay si Madaxweynaha uu nabadgalyo ugu tago Beledweyne loona xaliyo tabashooyinka jira, balse waa wadahadalkii & meeshii aan rabnay in wax la dhigo is jiid-jiid ayaa dhacay, waxaa adkaatay in is faham laga gaaro” ayuu raaciyey.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli weli HirShabelle aysan guda-gelin doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha aqalka sare, waxaana loo sababeynayaa xiisada siyaasadeed ee weli ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.