Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ee Garba-Ciise

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale saaka dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu dib uga qarxay halkaasi, kaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socdo magaalada Garba-Ciise iyo sidoo kale agagaarka tuulada Gawracan ee gobolka Siti.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare, balse aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu kusii fido deegaano horleh, isla-markaana uu sii xoogeysto, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ma jir weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi dib uga qarxay magaalada Garba-Ciise iyo tuulada Gawracan ee gobolka Siti.

Dagaalkan wuxuu imaanayaa, xilli shalay dowladda Itoobiyan ay war kasoo saartay xiisadda Soomaalida iyo Canfarta, iyada oo ballan qaaday inay wax ka qabaneyso.

Si kastaba dagaalladan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaalida.