Sawiro: Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray xarunta maamulka hawada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabada daah furka xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo hadda ka socota magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xariga jaraya xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,isagoona halkaasi ka jeedin doona khudbad taariikhi ah oo ka hadleysa muhiimadda ay leedahay soo wareejinta Hawada Soomaaliya iyo dadaalka Dowladda ay ku bixisay.

Sidoo kale, Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore iyo Madax ka tirsan Maamul Gobolleedyada.

Munaasabadda xilligan ka socota Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada ayaa Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat.

Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.

Waxaa Munaasabadda ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Halkaan hoose ka daawo sawirada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online