Sawirro:- Kheyre “Xukuumaddeydu Waxay Xoogga Saareysaa Isla-Xisaabtanka Iyo Daah Furnaan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya halkaasi oo uu kula kulmay madaxda Wasaaradda oo ugu horeeyo Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uujeedka kormeerkiisu wuxuu ahaa u kuur gelida howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo siday u shaqeynayaan shaqaalaha Wasaaraddaasi.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inta uu kormeerkiisa ku guda jiray in Xukuumadiisu xoogga saareyso isla xisaabtanka iyo daah furnaanta.

“Xukuumaddeydu waxay xooga saareysa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa marka uu dhamaado sanadkan 2017 in wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”, ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale maanta kormeeray xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya,iyadoo halkaasina uu kula kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Bankiga dhexe.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loola dagaalami lahaa masuq-maasuqa iyadoona Hay’adaha caalamiga ah oo ay ugu horeysay Hay’adda Lacagta Aduunka ee (IMF) ay ku amaantay Dowladda Soomaaliya hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online