Daawo: Somaliland oo hadal yaab leh kasoo saartay go’aankii ay DF kula wareegtay maamulka hawada

Hargeysa (Casimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka soo horjeestay go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kula wareegeyso hawada dalka si looga maamulo gudaha Soomaaliya.

Maareeyaha Sadaasha Hawada maamulka Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in Xarunta Muqdisho laga furay maanta ay Somaliland aqbaleyn.

Waxaa uu sheegay Maareeyaha Saadaasha Hawada Maamulka Somaliland in go’aanka dowladda Federaalka ah kula wareegeyso maamulka Hawada ay qalad tahay.

Dhinaca kale waxaa uu xusay in go’aankan uu saameyn taban ku yeelanayo wadahadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah ee lagu doonayay in lagu dhameeyo muranka siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online