Xeer-ilaaliye ku-xigenka 1aad ee Soomaaliya oo shaqada laga ceyriyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta shaqada laga diray xeer-ilaaliye ku-xigeenka 1aad ee Soomaaliya Axmed Cali Aybakar

Warar ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegaya in Axmed Aybakar loo ceyriyay sababo la xiririira xarigii siyaasiga mucaaradka ahaa ee Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa xilka looga qaaday digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, inkastoo aanan helin digreetada.

Warar ku dhow dhow Xeer Ilaaliye kuxigeenka shaqada laga casilay ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo la sheegay inuu ka hor-yimid qaabka Xeer Ilaalinta ay u wajahday dacwadda lagu soo oogay iyo habkii loo maray xarigiisa.

Xiriir aan la sameynay Dr. Axmed Cali Abuukar ayaa inoo xaqiijiyay inuu maqlay xil ka qaadistay, balse aanay jirin wax warqad ah oo soo gaartay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilka Xeer Ilaaliye kuxigeenka loo magacaabay mas’uul kale oo magaciisa lagu soo Muuse Macalin.

Axmed Cali  Aybakar dhankiisa weli wax war ah kama soo bixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online