Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada ciidamada qalabka ayaa maanta lasoo taagay ku dhawaad 13 ruux oo loo heysto ku lug lahaanshaha qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo Airline bishii Febraayo ee sanadkaan.
Shaqsiyaadka lasoo taagay maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa siyaabooyin kala duwan kaga shaqeynayay garoonka diyaradaha ee Aadan Cadde, waxaana muddo ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala magaalada Muqdisho.
Shaqsiyaadka lasoo taagay maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sida la sheegay ka kooban xubno ka shaqeynayay garoonka Aadan Cadde, saraakiil boolis iyo xamaali ka mid ahaa dadka ka shaqeeyan Aadan Airport.
Hoos ka daawo sawirada


