Muqdisho (Caasimada Online) – Labo markab oo ku xirnaa dekada magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa iney isku dhaceen maanta, kadib markii ay xargaha goosteen, sida dadka ku sugan dekada ay warbaahinta u sheegeen.
In maraakiibta xargaha ay ku xirnaayeen goostaan ayaa la sheegay iney ka dambeysay markii badda ay aad u kacday, waxaana dhacay shilka maraakiibtaasi oo ah mid inta badan aan ka dhicin dekada magaalada Muqdisho.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in badda maanta ay kacday taasi oo saameyn ku yeelatay shaqadii dekada magaalada Muqdisho, sida shaqalaha qaar ay sheegeen.
Mid kamid ah shaqaalaha dekada Muqdisho ayaa sheegay in shilka markabeed ee ka dhacay dekada uusan geysan wax khasaaro nafadeed ah, iyadoo maraakiibta kaliya ay ku dhaceen.
Laakiin waxaa walaac xoogan uu soo foodsaaray shaqaalaha dekada iyo maamulkaba oo ka baqayay in saameyn kale ay maraakiibtaasi geystaan.
Xaaladda Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa hadda Caadi ku soo laabatay,iyadoo Jawi daganaasho ay ka muuqato hadda Dekedda.
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

