Sawiro: Ujeedada safarka Axmed Madoobe ee Dhoobley

Dhoobley (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Degmada Dhoobley waxaa ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku sugan magaalada.

Socdaalka Madaxweynaha uu ku tagay magaalada Dhoobley ayaa faahfaahin rasmi ah laga helin balse qoraal lagu daabacay bogga madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.”

“Waxaan kala tashan doona dadka ku nool Degmada iyo deeganada hoos yimaada sidii ay usoo dooran lahayeen dadka maamulaya gaar ahaan golaha deegaanka. Waxaan fududeyn doona dhamaan adeegyada muhiimka u ah Degmada iyo deegaanada hoos yimaada.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Shirka Golaha Wasiirada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa 23 Juun 2022-kii lagu qabtay Magaalada Dhoobley, kaas oo ay ku ansixiyeen in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.