Sawirrada iyo wararkii ugu dambeeyey weerarka lagu hayo safaaradda USA ee Iraq

Baghdad (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee safaaradda Mareykanka ee Baghdad ayaa maanta u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa inay kala eryaan dibad-baxayaal Iran taageersan oo xalay oo dhan ku sugnaa irdaha safaaradda.

Kumanaan banaan-baxayaal ah oo taageersan maleeshiyooyinka hubeysan ee Iraq, ayaa ku xoomay safaaradda, ayaga oo ka carreysan duqeymo Mareykanka uu fuliyey oo lagu dilay 25 ka mid ah dagaal-yahanada taageersan Iran.

Dibad-baxayaasha ayaa ka gudbay barta laga kontoroolo safaaradda oo ku dhex-taalla Aagga Cagaaran ee amnigiisa aadka loo ilaaliyo, si ay u gaaraan safaaradda.

Dibad-baxayaasha ayaa dibadda safaaradda ka dhistay qiyaastii 50 teendho iyo musqulo guura, waxayna ku dhowaaqeen inay ku sugnaan doonaan halkaas illaa ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq.

Dibad-baxayaasha ayaa maanta ku dhowaaday darbiga kaliya ee u dhaxeeya ayaga iyo dhismaha weyn ee safaaradda, waxaana ay gubeen calanka Mareykanka.

Ayaga oo u jawaabaya, ayaa ciidamada amniga waxay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana lagu soo warramayaa inay dhowr qof ku dhaawacmeen.

Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Iran inay mas’uul ka tahay dibad-baxayaasha weerarka ku ah safaaradda, waxayna ku cadaadisay dowladda Iraq inay sare u qaaddo ciidamada sugaya amniga safaaradda. Balse Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inaysan u muuqan in Mareykanka uu dagaal la geli doono Iran.

“Uma malaynayo in Iran ay dooneyso in taas ay dhacdo. Si deg deg ah ayay ku bixi lahayd.” Ayuu Trump u sheegay weriyayaasha.

Trump ayaa shalay soo tweet gareeyey in Iran ay qaadi doonto mas’uuliyadda waxyeello kasta ama dhaawac kasta oo ka dhaca safaaradda.

“Waxay bixin doontaa qiimo weyn. Tani ma ahan digniin. Waa hanjabaad.” Ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii kala hadlay ra’iisul wasaaraha Iraq Adel Abdul Mahdi inay ilaaliyaan shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka ee Iraq, waxaana uu xalay u mahad-celiyey dowladda Iraq.

“Si deg deg ah ayey uga soo baxeen.” Ayuu yiri Trump.

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhacdadii Talaadada uga jawaabeysa inay ciidamo 750 askari oo dheeraad ah u dirto Bariga Dhexe.

“Daad-gureynta ciidamadan waa talalabo taxaddar ah oo habboon oo la qaadayo, si looga jawaabo halis sare usii kaceysa oo ay wajahayaan shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka.” Waxaa sidaas yiri wasiirka difaaca Mareykanka Mark Esper.

Dibad-baxayaasha isku dayaya inay galaan safaaradda Mareykanka ee Iraq oo dhowr kun ah, ayaa ka carreysan duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadeen maleeshiyo Iran ay taageerto oo ku sugan dalalka Iraq iyo Syria.