Sabriye oo kulan deg deg ah iusgu yeeray odayaasha GALMUDUG iyo ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiirka Wasaardda Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu kulan deg deg ah isugu yeeray Odayaasha  Dhaqanka ee kasoo jueeda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna lagala hadlo  Xildhibaanada Ahlusunna soo xulatey iyo sidii Odayaasha looga heli lahaa aqbalaad.

Qaar kamid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa kasoo horjeestay 20 Xildhibaan ee Ahlusunna la siiyey sida ay beelaha ugu qeybiyeen taas oo curyaamisey dhismaha Maamulka Galmudug.

30-ka Bishii la soo dhaafay ee December Sanadkii 2019 ayaa qorshuhu ahaa in lagu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug,balse aan weli la xulin,waxaana taasi ay dib u dhigeysaa xilliga ay dhici lahaayeen doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka,Madaxweynaha & kuxigeenkiisa.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli  Ra’iisul Wasaaraha dawlada Soomaaliya Xasan Cali khayre uu xalay guriga uu ka daganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta maamul Goboleedka Galmudug kulan kula qaatay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

Kheyre iyo Macallin Maxamuud ayaa ka wada hadlay dardargelinta iyo dhameystirka dhismaha maamul loo dhanyahay oo ay Galmudug yeelato.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulanka looga hadlay in wax kabadal lagu sameeyo beelaha ay kasoo xuleen xubnaha xilibaanada kamid noqonaya golaha wakiillada Galmudug.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday isfaham, iyadoo ay goobjoog ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha dawlada fedralka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno ka socday Ahlusunna.