Sawirrada iyo xogta British-ka Muqdisho ku xiran oo la helay iyo dowladda UK oo ka hadashay xaaladiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ka hadashay ninka British-ka ah ee ku xiran magaalada Muqdisho, kaasi oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxa la kori lahaa diyaarad.

Xafiiska arrimaha dibedda UK, ayaa sheegay inay xiriir la leeyihiin Anthony Cox iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay caawinayaan qoyskiisa. Hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Cox ayaa dhowaan ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maxaabiis Daacish ah oo kula xiran xabsiga dhexe, kuwaas oo sakiin ku weeraray.

Anthony Cox ayaa horey u ahaa askari, hase yeeshee waxa uu dhowaanahan ka shaqeynayey maareynta xasaradaha iyo uruurinta xogaha sirdoonka.

Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo, laba toddobaad ka hor inta aan la xirin.

Ninkan oo sidoo kale ku hadlay luuqadda Faransiiska, ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France, isaga iyo xaaskiisa Amanda.

Waxa uu bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia.

Inta uu Muqdisho joogay ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha amniga iyo uruurinta xogaha sirdoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com