35,000 oo u fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah dalka uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ay u fariisteen ilaa 35,000 oo arday ah.

Imtixaanka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana wehlinayey wasiirka wasaaradda waxbarashada, Mudane Cabdullahi Carab, iyada oo Rooble uu qaybiyey qaar ka mid ah imtixaanaadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ardayda imtixaanka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Sidoo kale wuxuu guul u rajeeyey dhammaan ardayda Soomaaliyeed, isaga oo xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo  kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

“Runtii maanta farxad ayay ii tahay in aan daah-furo imtixaanka fasalka 4aad ee Dugsiga Sare, waxa aan leeyahay alle ha idiin fududeeyo, Waalidkii idinku soo tiir & tacab beelay in aad ka war heysaan, macalimiinta wax idin soo bartay meelkasta oo ay joogaan waxa aan leeyahay waad mahadsan tihiin” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Imtixaankan ayaa waxaa si wadajir ah looga fariistay maanta gobolka Banaadir iyo afar dowlad goboleed oo kala ah Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Muqdisho ayaa waxaa ku galaya ardayda ugu badan oo tiradooda ay gaareyso illaa 25-Kun kuwaas oo loo diyaariyay 67 xarumood oo ku kala yaala degmooyinka gobolka Banaadir,

Dhinaca kale Puntland ayaa qeyb ka aheyn Imtixaanka dowladda, iyadoo si gaar ah u qaada Imtixaanka ardeyda fasalka 12-aadee dugsiyada sare ee ku yaalla maamulkaasi.