Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay jab culus oo ay gaarsiiyeen ciidanka Burundi

Ceel-Baraf (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sidoo kale hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa dadka ku nool degaanka Ceel-Baraf iyo hareerihiisa waxay ku fasaxeen inay qaataan agabkii yaallay xerada ay kala wareegeen ciidamada Burundi oo aad loogu laayey gudaha iyo hareeraha xerada.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Durbadiiba shacabku waxay bilaabeen inay fuqsadaan guryihii ciidanka ee ku dhex yaallay xerada ay Al-Shabaab la wareegeen, waxaana sawirradii la qaaday ka soo muuqday dad badan oo shacabkii deegaanka ah oo xerada bililiqeysanaya.

Sidoo kale warbaahinta kooxda ayaa baahisay sawirro badan oo laga qaaday meydadka ciidankii ATMIS ee la laayey oo daadsan xerada, gaadiid, rasaas iyo dhamaan sahaydii ciidanka ee xeradaas taallay ayaa gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirrada