Qoor-Qoor oo Xamar ‘looga kireeyay guri uu uga ololeeyo’ musharax madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Xildhibaan Cabdicaziz Cilmi Cali oo kamid ahaa xildhibaanada kasoo jeedo Galmudug ee kuraastooda dad kale la siiyey haddana kamid ah Golaha badbaadada Galmudug ayaa eedeyn culus usoo jeediyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

“Waxaan halkaan isugu nimid anagoo mataleyno Galmudug, maadaama aan la baxnay oo aan u istaagnay howshaan runtii u baahan in loo istaago oo badbaadada Galmudug ah, waxaan isugu imaanay wixii nagu soo kordhay iyo wixii naga halaabayba inaan Bulshadeena la wadaagno,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdicaziz Cilmi Cali.

Cabdicasiis ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeyey inuu dayacay shaqadii iyo mas’uuliyadii loo dhibtay isla markaasna uu ku fashilmay sugidda amniga, isagoo Shacabka ugu baaqay inay tashadaan.

“Bulshadeena Galmudug waxaan dareensanahay in Abaaro ba’an weli hayaan Alle haka dul qaadee, sidoo kalana har iyo habeen ayaa waxaa ku socdo weerar, waxaana muuqata in maamulka Galmudug uusan diyaarin ciidamadii amniga sugi lahaa, waxaana ku baaqeynaa in Bulshada Galmudug ay isku tashadaan si ay ammaankooda u sugtaan garabna u siiyaan walaalahooda tabaaleysan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale Cabdicasiis ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug inay si sax ah ula xisaabtamaan madaxweyne Qoor Qoor oo uu ku eedeeyey inuu Muqdisho ka wado ololaha dib usoo doorashada Farmaajo xilli deegaanada uu madaxda u yahay ay halis uga imaaneyso kooxda Al-Shabaab.

“Xildhibaanada maamul Goboleedka Galmudug waa inay la xisaabtamaan madaxda talada heysa oo uu Axmed Qoor Qoor ugu hooreeyo kaasoo kaambeyn u fadhiyo Xamar, iyadoo ay bulshadiisa dayacan tahay, waxaa nasiib darr ah runtii oo wax taariikhdu qoreyso ah in Abaarta jirta iyo amni darada jirta aysan xanuun iyo kuluul midna ku heyn madaxweynaha Galmudug, xanuunka ugu badan ee Maanta hayo waa Ahlu Sunna markii loo sheego in Al-Shabaab soo weerartay deegaanada wuxuu ku jawaabayaa amaa Bohol laga soo dhaqaaqay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeybti xildhibaan Cabdicasiis ayaa yiri “ Waxaa sidoo kale siyaasiyan khasaaro ku ah ummadda kasoo jeedo Galmudug inaysan heysan madaxweyne ka fakaraya aayahooda waxaana taas tusaale kuugu filan in Galmudug ay weysay hoggaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.