Sawirro: Ciidanka Itoobiya oo mar kale si xun u duqeeyey caasimadda TIGRAY-ga

Mekele (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya ayaa mar kale weerar dhanka cirka ah ku qaaday Magaalada Mekelle ee caasimadda u ah maamulka Tigrayga ee dagaalka ku jiro ciidamada Dowladda.

Diyaaradaha Itoobiya ayaa duqeynta la beegsaday bartamaha magaalada, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka TPLF iyo dad shacab ah.

Muuqaallo lasoo duubay marka ay duqeynta ka dhacday magaalada Mekelle kadib ayaa laga arkayey qiic madow oo cirka isku shareeray, waxaana goobaha ay diyaaradaha duqeeyeen kamid ah goobo ganacsi.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha ka dhashay duqeynta maanta dhacday, waxaana la xaqiijiyey inay gubten goobo ganacsi.

Baabuurta dambi damiska ee maamulka Tigray-ga oo gurmad ahaan usoo gaaray goobaha la duqeeyey ayaa ku guuleytay inay damiyaan dabka.

Waa markii labaad oo isbuucan gudihiisa ay diyaaradaha dowladda Itoobiya duqeymo ka geystaan magaalada Mekelle.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku eedaynaya dowladda Itoobiya in ay xasuuqayso dad shacab ah, wuxuuna weli Abiy u adkeysanayaa inuu sii wado dagaalka uu kula jiro maamulka Tigreyga oo hadda gacanta ku hayo maamulkooda.