Sawirro: Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Mudug, gaar ahaan aagga uu dagaalku ka socdo ee koonfurta gobolka Mudug.

Ugu yaraan laba nin ayaa saacadihii lasoo dhaafay iska dhiibay aagga magaalada Bacaadweyn ee koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka dowladda, daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab ay isku hor fadhiyaan.

Ragga ka soo goostay Al-Shabaab ee galabta lasoo bandhigay waxaa lagu kala magacaabaa Bishaar Shardi Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Xaasey) iyo Yuusuf Suleymaan Abuukar oo isna magaciisa afgarashada uu ahaa Salaaxu-diin.

Raggaan oo muddo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan ku heyteen duurka gobolka Mudug, halkaas oo dhowr bilood ay kula dagaalamayaan ciidanka qaranka.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo gacanta ku haya raggaan isku soo dhiibay ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyaad badan ay qorsheynayaan inay ka soo goostaan kooxda, balse ilaalo adag la dul-dhigo ama la dilo kii looga shakiyo inuu is dhiibayo.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa kordhay Shabaab-ka isku dhiibaya ciidamada dowladda, markii laga soo tago xubnaha sida is-dabajoogga ah isaga dhiigay Galmudug, waxaa jira xubno kale oo iska dhiibay gobolka Bay.

Todobaadkii ugu dambeeyey ku dhawaad 10 dagaalame ayaa iska dhiibay aagga Baydhaba, waxayna wareysiyada lala yeeshay ku sheegeen inay dhiibaato badan ku qabeen ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, isla markaana ay ku soo goosteen si dirqi ah.

Kooxahaan ka soo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda, wuxuu go’aankoodu ku soo aadayaa xilli aad u xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay qaado wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo la saadaalinayo inuu noqdo kii lagu soo afjari lahaa Al-Shabaab ama aad loogu dhimi lahaa awoodooda.

Qof kasta oo ka soo goosta Al-Shabaab ama la qabto isagoo aan dil geysan waxaa jira nidaam ay u dejisay dowladda Soomaaliya oo qaar ka mid ah wadamada caalamka ay ka taageeraan.

Nidaamkaas ayaa dhigaya in isisoo dhiibaha hubka laga dhigo oo loo sameeyo dhaqan celin iyo xaqiijin inuu ka tanaasulay fikirka xagjirka ah, waxaana lagu xareeyaa xeryo si adag loo ilaaliyo oo ay ugu weyntahay Xero Sarandi oo ku taalla Muqdisho.